Home » Maxaa Cusub » Juan Cuadrado Oo Qaboojiyay Dagaalka Suuqa Ee U Dhaxdeeya Liverpool & Manchester United

Juan Cuadrado Oo Qaboojiyay Dagaalka Suuqa Ee U Dhaxdeeya Liverpool & Manchester United


Juan Cuadrado

Kooxaha ka dhisan dalka Ingiriiska ee Manchester United iyo Liverpool ayaa u muuqda kuwa waayay garabka reer Colombia iyo kooxda Fiorentina Juan Cuadrado kadib markii xidigaan heerka caalami uu ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay joogtiaanka horyaalka talyaaniga.

26-jirkaan ayaa qaab amaah ah ugu biiray Fiorentina isagoo kasoo hayaamay Udinese, isagoo kooxdiisa caawiyay wuxuuna dhaliyay 11-gool, iyo shan caawinaad ah wuxuuna haatan kusii dhawaanayaa inuu si rasmi ah ugu soo wareego kooxda Fiorentina madama ay amaah ku heysatay.

Si Kastaba kooxaha Liverpool, Man United & Barcelona kuwas oo dhamaantood lala xiriirinayay xidigaan reer Colombia ayaa indhahooda meelo kale aadin doona madama Cuadrado uu jecleystay sii joogtiaanka Serie A-da.

Juan Cuadrado ayaa haatan qeyb ka ah wiilasha reer Colombia ee wacdaraha ka dhigaya Koobka Aduunka kuwaas oo xaqiijiyay booskooda koobka Aduunka ee Wareega 16-ka iyagoo kulankii ugu dambeeyay garaacay Ivory Coast.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close