Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Juan Cuadrado Oo Dajiyay Xiisahada U Dhaxeeya Barcelona & Man United Ee Ku Aadan Saxiixiisa

Warbixin: Juan Cuadrado Oo Dajiyay Xiisahada U Dhaxeeya Barcelona & Man United Ee Ku Aadan Saxiixiisa


cuadrado-namenumber490ai_1

Garabka Xulka Colombia iyo Kooxda Fiorentina Juan Cuardado ayaa hoos u dhigay wararka cirka isku shareeraya ee ku aadan mustaqbalkiisa kuwaas oo xidigaan la xiriirinaya kooxaha Barcelona iyo Manchester United.

Wararka ka imaanaya gudaha talyaaniga ayaa qeexaya in Wakiilka Xidigaan Alessandro Lucci uu la kulmi doono wakiilo ka socda kooxda reer Spain.

Sidoo kale Maareeya Kooxda Fiorentina Daniele Prade ayaa sheegay ineysan kooxdiisa wali helin dalab rasmi ah oo ku aadan saxiixa xidigaan isagoo sidoo kale cadeeyay inaan la hubin waxa uu ku dambeyn doono mustaqbalkiisa ciyaareed.

“Wali ma garan karo waxa dhici doona” Ayuu u sheegay Radio Blu.  “Waqti xaadirkaan kooxna kama aanan helin dalab rasmi ah” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Waxyaabo badan ayaad ka arki doontaa wargeysyada, balse ma jiraan wax haatan socda”

Sidoo kale Cuardado ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa.

“Kuma dagdagayo inaan go’aansado mustaqbalkeyga, waan arki doonaa waxa dhaca”

“Meel walba oo aan ka dheelo waxaan isku dayi doonaan inaan kulan walba u ciyaaro sida ugu fiican” Ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close