Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho Oo Ka Saadaaliyay Xulka Ku Guuleysan Kara Koobka Aduunka

Jose Mourinho Oo Ka Saadaaliyay Xulka Ku Guuleysan Kara Koobka Aduunka


Jose

Macalinka kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa aaminsan in koobka aduunka ay ku guuleesan donaan xulka Brazil madaama xulkan ay haatan martigalinayaa tartankan xiisaha badan wuxuu Mourinho sheegay in Brazil ay leedahay astmaaha koobka lagu qaadi karo wuxuuna yiri

“weli Brazil cayaar wanaagsan masoo bandhigin hadana kulan walbo guul muhiim ah ayay gaarayaan waana astaanta lagu yaqaan xulka hana rabo koobka aduunka sidoo kalena taageerayaasha ay heestaan ayaa wax badan ka caawin doono” Mourinho oo la hadlaayay Yahoo Sports ayaa hadalkiisa sii watay wuxuuna yiri “dhamaanteen Brazil waxaan u joognaa inaan aragno xulka koobka qaadi doono waxaana rajeynaa n Brazil ay hanan doonto ugu dambeyntii”

Jose Mourinho oo si gaar ah ugu kuur galaayay koobka aduunka 2014 tan iyo markii uu Brazil ka bilaawday bishii June 12-keedii ayaa sheegay in sanadkan tartankan uu aad u wanaagsanaa wuxuuna yiri “marka laga reebo cabashada cimilada kulul ku aadan tartanka Brazil ka socdo waxaan oran kara waa midkii ugu wanaagsanaa ee dhaawanahan taariikhda koobka aduunka la daawado waxaana lasoo bandhigay kubad aad u wanaagsna sidoo kalena xulalka tartankan intii uu socday makala awood badneyn”

Inkastoo Jose Mourinho uu xulk Brazil koobka aduunka u sadaaliyay hadana xulkan waxay Semi-finalaha tartankan la cayaari doonaan xulka Jarmalka Talaadada nagu soo fool leh waxaana habeenkan ka maqnaan doono Brazil labada xidig ee xulkan ugu muhiimsan Thiago Silva iyo Neymar.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close