Sida ay shaacisay Panama-based press TVMax, tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa daawan doona Finalka Champions League ee ka dhici doona Lisbon 24-ka May, kulan xifaaltan ah oo u dhaxeeya kooxaha isku magaalada ah ee Atletico Madrid iyo Real Madrid.
Jose oo ku mashquulsan inuu dhiso koox culus xili ciyaareedka soo aadan ayaa u daawasho tagi doona Finalka Champions isagoo leh hami gooni ah wuxuuna isha ku hayaa ama ujeedkiisa uu yahay inuu qiimeeyo xaalada Shan xidig oo ka tirsan labada koox ee ku xifaaltamaya Lisbon.
Thibaut Courtois
Da’yarka reer Belgium ee amaahda kaga maqan kooxda Blues ayaa ah musharaxa ugu weyn ee ujeedka Mourinho ku qasabtay inuu diyaarad u raaco Lisbon.
22-jirkaan ayaa sanadihii ugu dambeeyay qaab amaah ah ugu joogay kooxda Atletico Madrid balse Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu dib ugu soo celiyo Stamford Bridge si uu badal ugu noqdo Peter Cech.
Filipe Luis
28-jirkaan reer Brazil ee ka ciyaara dhanka bidix ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo kooxda Blues xili ciyaareedka soo aadan, kadib markii uu waxqabad aan caadi aheyn soo bandhigay xili ciyaareedkaan.
Daaficii dhanka bidix ee Blues Ashley Cole ayaa isaga tagay kooxda kadib 8-sano uu ku sugnaa galbeedka Magaalada London.
Sidoo kale Chelsea ayaa ka niyad jabtay saxiixa Luke Shaw kadib markii loo badiyay inuu ku biirayo kooxda Manchester United, Filipe Luis ayaana heshiiskiisa lagu jabin karaa 20 Malyan.
Luka Modric
Mashiinka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ayaa ka mid ah liiska xidigaha uu isha ku hayo Mourinho waana xidig in badan uu xushmeeyo Jose.
Xidigii hore Tottenham Hotspur ayaa kasoo hoos ciyaaray Jose Mourinho inkastoo uusan muuqaalkiisa ku badneen garoonka hadana mar kale ayuu Jose doonayaa inuu tababare ugu noqdo Stamford Bridge.
Raphael Varane
Daafacaan da’da yar ee reer France waxaa aduunyada baray macalin Jose Mourinho oo ku aaminay inuu wajaho Barcelona kulamada El-Clasico, balse haatan Jose mar kale ayuu doonayaa inuu Chelsea keeno.
Raphael Varane ayaa loo badinayaa inuu ciyaaro finalka madama dhaawac laga soo sheegayo Pepe oo ah daafaca ugu adag kooxda Real Madrid.
Si Kastaba Jose ayaa isha ku haya Varane
Diego Costa
Asal Brazilka qaatay dhalashada dalka Spain Diego Costa ayaa ah xidiga dhanka weerarka uu ugu tala galay Jose inuu ka caawiyo Blues, inkastoo warar badan oo isqilaafsan ay kasoo baxayaan xaaladiisa, hadana Atletico ayaa ku adkeysaneysa iney ilaashato xidigeeda.
25-jirkaan ayaana doonaya inuu aado Chelsea, isagoo 35-gool u dhaliyay kooxdiisa xili ciyaareedkaan tartamada oo dhan wuxuuna ka caawiyay iney qaado Horyaalka La Liga.