Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Hab Dhaqankii Pepe Ee Kulankii Jarmalka: “Maba Ahan Portuguese”

Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Hab Dhaqankii Pepe Ee Kulankii Jarmalka: “Maba Ahan Portuguese”


Jose

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa weeraray daafaca xulka Portugal Pepe kaas oo hab dhaqan xun ku dhaqmay kulankii ay Portugal xasuuqa kala kulantay Jarmalka kulankii furitaanka Group G markii 4-0 lagu xaaqay.

Pepe ayaa qalad muuqda ka galay Thomas Muller oo ka hor qalad uu xifaaltan kubadeed dhexmaray balse Pepe ayaa dib usoo jaleecay Muller oo dhula fadhiya kadibna hertiyay, taasoo garsooraha ku qasabtay inuu kaarka guduudan siiyo kana diro ciyaarta xili ciyaarta ay aheyd mid ay Jarmalku ku horkacayaan 2-0.

Tababare Jose Mourinho ayaa ku tilmaamay Pepe shaqsi aan laheyn isku filnaasho iyo masuuliyad, isla markaana aan la dhihin karin waa shaqsi Pourtuguese ah.

Gone! Pepe was sent off by referee Molirad Mazic during Portugal's 4-0 defeat against Germany on Monday

Sidoo kale Jose  ayaa Pepe ku eedeeyay inuu masuul ka ahaa in la dhaliyo goolka labaad ee uu Hummels dhaliyay kaas oo laga dhaliyay booskiisa.

“Waxaan u maleynayaa in goolkii labaad uu si cad canaan ugu lahaa, madama uu lumiyay xiriirka uu la sameynayay xidiga kasoo horjeeda ee Hummels, gabi ahaanba isaga ayaa xaq u lahaa inuu la xiriiro Hummels balse Khedira ayuu ku dhaafay kaas oo isna awoodi waayay inuu celiyo goolka labaad ee Hummels”

Ouch! Pepe leaned into Muller after the pair had begun a spat with Portugal already two goals down

“Laga yaabee inuusan u qalmin kaar cas oo toos ah balse, ma aheyn gardaro cad ee waxey ka aheyd luqad jireed uu u muujiyay inuu ka xun yahay ficilka Muller”

“Xaqiiqdii ma ahan xidig Portuguese ah, sababtoo ah wuxuu cadaadis badan galiyay kooxda”

Laying down the gauntlet: Muller ended up netting a hat-trick for Germany in their opening game win

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close