Tababaraha kooxda Chelsea ayaa hadlay sida caadada ah isagoo ka hadlay arimo badan oo quseeya isla markaana hortaagan kooxdiisa Chelsea, Shirkiisa Jaraa’id ee ka hor kulamada isbuuca ayuuna kaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin: Ganaaxa FA-ga ay kusoo rogtay, Dhaawaca Xidigiisa reer Belgium Eden Hazard, Kulanka Liverpool ee Axada iyo Shaqada Manchester United.
GANAAXA FA-GA:
Xiriirka FA-ga ayaa ganaaxay tababaraha Chelsea kadib markii uu aqlaaq daro u hadlay kadib dhamaadkii kulanka Sunderland iyo Chelsea kaas oo ay Chelsea kula kulantay guuldaradii ugu horeysay ee Jose lagu gaarsiiyo Stamford Bridge isagoo macalin u ah Chelsea, intii ay socotay ciyaarta waxaa dhacay dhacdooyin badan Ramires ayaa feeray Larrson oo ka tirsan Sunderland, Sidoo kalana caawiyaha Chesea Ayaa banaanka loo saaray kas oo isna la ganaaxay.
Si Kastaba Mourinho ayaa ka haday arintaas isagoo u dareensan ineysan jirin Xoriyatul Qol ama qofka inuu xor u ahaado hadalka.
“Wax badan ma dhihin, Ma Dareemayo xurnimo ku hadal, sababtoo ah mar walba oo aan hadlo waa natiijo, xitaa hadii aan dhaho garsooraha wuxuu ahaa mid layaab leh, waa sababta keentay in la i ganaaxo. Hadii aad dooneysid shir jaraa’id oo wanaagsan ka hadal FA-ga” ayuu Jose yiri.
DHAAWACA EDEN HAZARD:
Kooxda Chelsea ayaa u dhibtooneya dhaawaca garabkooda Eden Hazard kaas oo waayay kulamadii ugu dambeeyay kooxda, Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay inuu ka maqan yahay Hazard kulanka Liverpool, sidoo kalana shaki uu ku jiro kulanka Arabacada ee Atletico Madrid.
“Hazard wuu maqan yahay kulanka Liverpool, waxaana u maleynayaa inuu maqnaan doono kulanka Atletico Madrid”
KULANKA LIVERPOOL:
Jose Mourinho ayaa wax laga weydiiyay hadii uu ciyaartoyda da’yarta ah ciyaarsiin doono kulanka Liverpool ee axada isagoo ciyaartoydiisa waaweyn u keysanaya Champions League.
“Waa wax qaas u ah Chelsea, una qalanto in lagu abaalmariyo sababtoo ah 10-kii sano ee ugu dambeeyay kubada cagta Ingiriiska wax bey kusoo kordhisay”
“Taageerayasha waxey doonayaan in Chelsea ay aado Liverpool si ay ula ciyaarto, waana wax iska cayiman, balse ciyaariyahanadee Wajahi doona? Waa go’aankeena taas, maahan go’aankiin”
Jose Mourinho ayaase wax laga weydiiyay hadii ay Chelsea dooneyso iney ku guuleysato horyaalka ingiriiska: “Inaan wax walba siino kooxdeena ayaan jecelnahay, si ay qoyskeena u faraxsanaadaan isla markaana ay daganaan u dareemaan”
SHAQADA MANCHESTER UNITED:
Ugu dambeyntii Jose Mourinho ayaa wax laga weydiiyay shaqada kooxda Man United taasoo lala xiriirinayay mudooyinkaan madama ay iska ceyriyeen David Moyes wuxuuna Jose ka yiri:
“Waan u sheegay Chelsea ineysan marnaba ka walwalin arintaas, sababtoo ah ma doonayo inaan ka tago Chelsea, Waan joogayaa halkaan ilaa marka ay kooxda dani kasoo gasho bixitaankeyga”