Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho Oo Albaabka Banaanakiisa Dhigay Eto’o Balse U Naxariistay Torres Iyo Demba!

Jose Mourinho Oo Albaabka Banaanakiisa Dhigay Eto’o Balse U Naxariistay Torres Iyo Demba!


chelsea_striker_flops-461688

Ka hor inta uusan fasaxii sanadlaha aadin macalin Jose Mourinho ayaa saxaafada la waramay wuxuuna macalinkan durbadiida hadalkiisa ku bilaabay “waan ka xumahay mudo 3-bilood ah shaqo la’aan ayaan ahaan doonaa mana aqaan waxa aan sameyn doono madaama Premiership-ka uu dhamaaday balse mar hore ayaan go’aan ka gaaray qaabka ay kooxdeyda ahaan doonto xili cayaareedka dambe” macalinkan waaya araga ah ayaa la weydiiyay waxa Chelsea iska badali doono ama xidigaha uu fasixi doono wuxuuna yiri “aniga awood uma lihi inaan cayaaryahan fasaxo balse sharci ahaan Samuel Eto’o haatan banaanka ayuu ka taagan yahay albaabka Stamford Bridge waayo qandaraasiisa ayaa dhamaaday sidaa darteed kooxdeyda kama sii mid ahaan doono balse Torres iyo Demba qandaraaskooda weli ma dhamaan sidaa darteed Chelsea ayay kasii mid ahaan doonaan!!”

Geeska kale macalin Jose Mourinho ayaa sheegay inuu gacmo furan kusoo dhaweyn doono Deigo Costa hadii uu xagaagan Chelsea kusoo biiro waxaana weli la sugaa inay Atletico Madri aqbasho £32m oo dalab ah kaasi oo ay Chelsea u gudbisay dabyaaqadii bishii hore wuxuuna Mourinho arinkan ka yiri “Costa waa xidig aad u wanaagsan koox walbo ayaa maanta dooneyso sidaa darteed gacmo furan ayaan kusoo dhaweyn donaa hadii uu Chelsea doorto waana laacib ku haboon kubada aan cayaarno balse ilaa haatan arinkan kama hor dhici karo madaama uu yahay xidig Atletico ka tirsan sidoo kalena qandaraas kula jiro”


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close