Macalin Jose Mourinho oo aqoon dheer u leh Arjen Robben ayaa ka hadlay dooda ka taagan saaxada kubada cagta madaama xidiga reer Holland la iski raacay inuu kulan walbo garsoorayaasha qayaamo sidoo kalena si sahal ah isku tuuro si rigoore loogu dhigo weliba waxaa ugu dambeesay kulankii xulkiisa Holland 2-1 kaga badiyeen Mexico taasi oo loo dhigay Robben rigoore muran badan dhalisay hadaba Jose Mourinho oo Robben macalin u ahaan jiray waayihiisii Chelsea ayaa ka hadlay wuxuuna yiri “madaama uu leeyahay Robben xawaaro aad u sareeyo sidoo kalena ay xirfadiisa wanaagsan tahay ma ahan wax la qarinaayo inuu xidigan marwalbo jecel yahay raadina rigoorooyinka waxaana mararka qaaar dhacdo in si sax ah qalad looga galo ama uu is tuuro”
Arjen Robben wuxuu ka hoos cayaaray macalin Jose Mourinho sanadkii 2004 markii uu Jose hogaanka Chelsea la wareegay sidaa darteed labadan shaqsi ayaa aqoon dheer isku leh balse Mourinho ayaa diiday inuu xidigan eedeeyo wuxuuna yiri “kuma aqaan inuu yahay Robben laacib is tuur tuuro balse waxaa sax inuu raadiyo sidii rigoore loogu dhigi lahaa waxaana arinkiisa go’aan ka gaari karo garsoorihii markaas kusoo aado” ugu dambeyntii Mourinho ayaa dhaliil xoogan usoo jeediyay xidigaha is tuuraan si rigoore loogu dhigo wuxuuna yiri “qayaanada kama mid ahan kubada cagta waayo in cayaaryahanka uu si sahlan isku tuuro waa qalad laakiin garsooraha uma sahlano inuu qayaanadaas fahmo sidaa darteed waxaan soo jeedin lahaa in garsoora 4-aad ama garsooraha labaad uu la socdo dhaq dhaqaaqa cayaartooyada marka ay xerada ganaaxa ku jiraan!”
Profile