Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho Oo Qaadan Doona Go’aankii Ugu Xanuunka Badnaa Ebid

Jose Mourinho Oo Qaadan Doona Go’aankii Ugu Xanuunka Badnaa Ebid


Chelsea--Jose-Mourinho-Press-Conference

Macalin Jose Mourinho mudo 14-sano ka badan ayuu tababare yahay sidoo kalena xidigah aduunka ugu magaca dheer ayuu soo maamulay waayihiisii FC Porto, Inter Milan, Real Madrid iyo Chelsea balse macalinkan ayaa sheegay in xagaagan uu qaadan doono go’aankii noloshiisa ugu dhibka badnaa madaama uu doonayo inuu albaabka Stamford Bridge ka saar mid ka mid ah ruug cadaayaasha Chelsea oo ay taageerayaasha kooxdaan ku faanaan wuxuuna Mourinho yiri “Ma ahan wax sahlan inaan Stamford Bridge ka diro Petr Cech waayo waa xidig halkan laga jecel yahay sidoo kalena weli aan hoos u dhac muujinin sidaa darteed go’aankii iigu xanuunka badnaa ayaan goor dhow qaadan doonaa!”

Macalinka reer Portugal ayaa horey u sheegay in lasoo gaaray xiligii Petr Cech uu booska baneen lahaa madaama Chelsea ay dib usoo ceshan doonto marka uu koobka aduunka soo idlaaado goolhaye Thibaut Curtois, goolhayahan dhalinta yar haatana lagu tilmaamo midka Yurub ugu wanaagsan ayaa xili cayareedkii dhawaan soo idlaaday Atletico Madrid kula guuleestay La Ligaha sidoo kalena kama dambeesta koobka horyalada Yurub ayuu lasoo gaaray wuxuuna shuruud kaga dhigay kusoo labaashada Chelsea 22-jirkan in boos joogto ah loo balan qaado sidaa darteed Blues xagaagan waxayku qasbanaan doontaa inay iska iibiso Petr Cech oo haatan 31-jir ah waxaana saxiixiisa ku raad joogaan kooxaha Monaco, PSG iyo Barcelona.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close