Home » Horyaalada » La Liga Spain » Jordi Alba “Luis Suarez Marhore Ayuu Muujiyay Inu Barcelona Muhiim U Yahay”

Jordi Alba “Luis Suarez Marhore Ayuu Muujiyay Inu Barcelona Muhiim U Yahay”


Alba

Daafaca garabka bidix ee kooxda Barcelona Jordi Alba ayaa amaan balaaran kala dul dhacay saaxiibkiis ku cusub garoonka Camp Nou Luis Suarez wuxuuna ku tilmaamay xidig caqli badan oo marhore si wacan ula qabsaday Barcelona.

“Luis waa laacib dhan walbo ka dhameestiran waxaana la dhacsanahay sida uu kooxda ula qabsaday kaliya ma ahan inuu todobaadkan naga caawiyay guul muhiim ah balse marhore ayuu Barcelona la qabsaday”

“Waa xaqiiqo inuu muhiim inoo yahay sidoo kalena Luis wax badan ayuu inoo qaban doonaa xili cayaareedkan madaama uu haatan si wacan kooxda ula qabsaday”

Jordi Alba ayaa geeska kale xusay in kooxdiisa Barcelona xili cayaareedkan La Ligaha Spain ku guuleesan karto inkastoo Barcelona hogaanka ay kala wareegtay Real Madrid.

“Kaliya labo kulan ayaan guuldaro lama filaan ah la kulanay balse waan hubaa inaan soo qaban karno Real Madrid sidoo kalena aan horyaalka ku guuleesan karno madaama xili cayaareedka wax badan ka harsan yahay”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>