Home » Europe » Champions League » Joornaaliiste Cadeeyay Dareenka CR7 Markii Uu Maqlay Dhaawaca Xidiga Ay Xifaaltaman Ee Lionel Messi

Joornaaliiste Cadeeyay Dareenka CR7 Markii Uu Maqlay Dhaawaca Xidiga Ay Xifaaltaman Ee Lionel Messi


ROnaldo

Manuel Sanchez oo ah saxafiga ugu caansan dalka Spain ayaa cadeeyay Dareenka Mashiinka Kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo Markii uu maqlay Dhaawaca Messi & Mudada Uu Maqanayo.

Lionel Messi ayaa maqnaan doona mudo 8-isbuuc ah taasoo ka dhigan in ilaa bisha January uusan soo xaadiri doonin garoomada kadib dhaawac dhanka muruqa ah oo kasoo gaaray kulankii Real Betis ee todobaadkaan.

Sida Laga soo xigtay Manuel Sanchez C. Ronaldo ayaa ka xumaaday isla markaana dareemay dareen murugo leh markii uu maqlay warka sheegaya in Lionel Messi uu mudo laba bilood ah garoomada ka maqnaan doono sida lagu qora wargeyska Devinsa Central ee spain kasoo baxa.

Marka La eego wareysiga uu Manuel Sanchez ka qaaday Cristiano Ronaldo wiika reer Portugal ayaa doonayay in Messi uu la tartamo ilaa laga gaarayo bisha January markaas oo lakala cadeyn doono xidiga ugu wanaagsan dunida sanadka 2013.

Marka Uu Maqlay Ronaldo Wararka xun ee dhaawaca Messi iyo Mudada uu Maqnaanayo Wuu Ka Xumaaday Waayo Wuxuu Jeclaa Inuu La Tartamo Messi Ilaa Maalinta ugu dambeysa

28-jirkaan dhaqaajiya Kooxda Real Madrid ayaa haatan 8-goal hoos u fiirinaya Wiilka reer Argentina ee Barcelona Lionel Messi inkastoo uu sii heysto jaanis uu kaga sii fogaan karo Messi.

Dareenka Ronaldo ayaan aheyn mid wanaagsan waayo wuxuu jeclaa inuu ka hormaro Messi isagoo bad qaba oo taam ah wuxuuna ku muujiyay dareenkiisa in Jamaahiirta Lionel Messi ay qiil ka dhigan doonaan Dhaawaca Xidigaan.

Ugu dambeyntii Abaalmarita Ballon D’Or ayaa si hordhac ah loo shaaciyay 23-ka xidig ee u sharaxan inkastoo bisha December laga dhigi doono 3-xidig oo kaliya waxaana lagu dhawaaqi doonaa 14-January-2014 xidiga ah kan ugu wanagsan dunida sanadka 2013.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close