Daafaca reer Brazil João Miranda ayaa qanciyay isla markaana dajiyay Jamaahiirta kooxda Atletico Madrid kadib markii uu shaaciyay inuusan meelna uga socon kooxda heysata horyaalka La Liga.
Barcelona ayaa quuldareyneysay iney dalab rasmi ah u dirto Miranda oo muujiyay howlkarnimo saa’id ah xili ciyaareedkii dhamaaday sidoo kalana tababare Louis Van Gaal oo isku diyaarinaya inuu dib u habeyn ku sameeyo Manchester United aya isna isha ku hayay balse Miranda ayaa biyo qabow ku shubay hamiga soo daahay ee labadaas koox.
Si Kastaba Miranda ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa xili bilihii lasoo dhaafay mar ay saxaafada Ingiriiska qoreen in xidigaan uu guri ka raadsanayo Ingiriiska si uu ugu biiro kooxda Manchester United wuxuuna carabka ku dhuftay Miranda inuu sii joogi doono garoonka Vincent Calderon.
“Ha walwalin, waan joogayaa” Ayuu Miranda ku qoray Jarirada ugu afka dheer Spain ee MARCA.
Daafacaan reer Brazil ayaa sameeyay 32-muuqaal horyaalka La Liga, wuxuuna ka saaciday kooxda Diego Siemone iney ku guulysato horyaalka La Liga markii ugu horeysay tan iyo 1996-dii.
Profile