Home » Horyaalada » italian Serie A » Javier Zanetti “Mario Balotelli Wuu Kusoo Laaban Karaa Inter Milan”

Javier Zanetti “Mario Balotelli Wuu Kusoo Laaban Karaa Inter Milan”


Ballo

Gudoomiye ku xigeenka kooxda Inter Milan Javier Zanetti ayaa saxaafada u sheegay in Mario Balotelli uu dib ugu soo laaban karo garoonka San Serio xiligii uu doono.

Super Mario wuxuu kusoo bar baaray xarunta Inter Milan sidoo kalena kooxdan guulo ayuu la qeebsaday balse sanadii 2010 ayuu Inter Milan isaga tagay wuxuuna haatan San Serio moog yahay mudo 5-sano ah.

Hadaba Javier Zanetti oo wax laga weydiyay in Super Mario u furan yihiin alaabada Inter Milan wuxuu yiri “Kubada cagta wax walbo ayaa laga filan karaa , hadii Mancini uu na weydiisto inaan Balotelli u keeno dabcan anaga midaas dhib naguma ahan”

Zanetti oo la hadlaayay Corriere Dello Sport wuxuu yiri “Waxaan aaminsanahay hadii Balotelli uu nala si joogi lahaa inuu noqon lahaa laacib waaya araga ah kubada cagtana maqaam sare ka gaaro”

Dhanka kale Zanatti ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa Inter ay xooga saari doonto sidii ay xagaagan kula soo saxiixan laheyd weeraryahanka naadiga Palermo Paulo Dybala.

Zanetti ayaa xusay in kooxdiisa ay qorsha adag wado sidii ay xidiga reer Argentina gacanta ugu soo dhigi laheyd inkastoo kooxo badan oo ay hormuud u tahay naadiga Juventus ku raad joogaan weeraryahan dhalinta ya ee tayadiisa aadka u sareyso.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>