Naadiga Barcelona ayaa si rasmi ah u sheegtay in daafaceeda Javier Mascherano uu garoomada ka maqnaan doono mudo 15-cisho ah kadib markii uu muruqa hoose dhaawac kasoo gaaray, xidigan waaya araga ah ayaa ku dhaawacmay kulankii Barcelona 4-1 ku xasuuqday naadiga Real Sociedad waxayna dhaqaatiirta Barcelona ay sheegeen in xidigan muruqa midig jug ka gaartay sidaa darteedna uu u baahan yahay nasiino labo todobaad ah wuxuuna dhaawaciisa kusoo beegmay xili Barcelona ay kusoo fool leeyihiin kulamo adag.
Xidigan u dhashay dalka Argentina ayaa jug kasoo gaartay muruqa kadib markii ay isku dhaceen saaxiibkiis Sergio Busquets sidaa darteed wuxuu u baahan inuu nasto mudo 15-cisho ah sida ay dhaqaatiirta kooxdan kula taliyeen, Javier Mascherano ayaa seegi doono sedexda kulan ee kooxdiisa kusoo fool leh waxayna la kala cayaari doontaa kooxaha Almeria, Real Valladolid iyo Celtic oo ah kulanka tirsan kooba horyaalada Yurub.