Southampton ayaa xiiseyneysa xidiga Man United Javier Hernandez kaas oo ku dhibaateysan Old Trafford waxeyna doonayaan iney badal kaga dhigaan Rickie Lambert oo ku biiray Liverpool.
Weeraryahankaan reer Mexico ayaa dalab ka helay kooxaha Inter Milan & Valencia balse fursada ugu weyn waxaa heysata kooxda Saint lagu neynaaso kuwaas oo doonaya in heshiiska uu Luke Shaw ugu biiray Man United qeyb looga dhigo heshiiska Hernandez uu ku tagayo kooxda Southapton.
Dhanka kale Southampton ayaa xaqiijisay in wali qiimaha Adam Lallana isku mandhaafsan yihiin Liverpool madama Southampton ay dooneyso 30 Malyan halka Liverpool ay taagan tahay 25 Malyan Oo Pound.
Dhanka kale Liverpool ayaa ku dhaw soo xerogalinta daafaca bidix ee dalka Spain Moreno kaas oo kooxdiisa ay xaqiijisay iney dalab ka heshay Reds waxeyna u qorsheeyeen 16.5 Malyan.
Mr Black
June 4, 2014 at 10:42 AM
Weerar yahan hadda waxaaa uga muhiimsan dhanka daafaca Luke Shaw Man UTD aad ayay ugu baahan tahay maxaa yeelay waa ciyaaryahan ka ciyaara baasha bidix ee difaaca booska hadda uu ka ciyaaro Evra. Evra waa da’ marka loo fiiriyo Shaw.