Xulka Italy ayaa ka dhacay tobanka xul ee ugu horeeya qiimeynta bilaha ee Fifa oo maanta lasoo saaray iyagoo u dhacay kaalinta 14-aad halka Xulka martigalinayay kobka Aduunak Brazil uu meel xun ka galay 10-ka ugu horeeya isagoo soo istaagay kaalinta 8-aad.
Sidoo kale Ingiriiska oo foolxumo kala haray koobka Aduunka isagoon wax guul ah gaarin ayaa istaagay booska 20-aad, halka sidoo kale xulalka Portugal iyo France ay is xigesadeen iyagoo istaagay kaalmaha 10 iyo 11.
Dhanka kale Xulka ku guuleystay Koobka Aduunka ee Jarmalka ayaa kaalinta 1-aad heysan doona mudooyinka soo aadan, waxaase booska labaad soo cariirsaday Argentina oo Finalka soo istaagtay.
Ugu dambeyntiina Wiilashii Van Gaal ee kaalinta sadexaad galay ayaa 3 jooga halka Colombia Belgium & Uruguay ay kusoo xigsadeen.
Hoos Kaga Bogo 20-ka Xul Ee Ugu Horeeya Qiimeynta Bilaha:
1 Germany
2 Argentina
3 Netherlands
4 Colombia
5 Belgium
6 Uruguay
7 Brazil
8 Spain
9 Switzerland
10 France
11 Portugal
12 Chile
13 Greece
14 Italy
15 USA
16 Costa Rica
17 Croatia
18 Mexico
19 Bosnia-Herzegovina
20 England
Profile