Home » Horyaalada » La liga » James Rodriguez : Real Madrid Ayaan Ka Doorbidayaa Kooxda Barcelona

James Rodriguez : Real Madrid Ayaan Ka Doorbidayaa Kooxda Barcelona


429994_heroa

Xidigga mucjisada kasoo bandhigay Koobka adduunka ee Brazil James Rodriguez ayaa ka hadlay Real Iyo Barcelona kooxda uu door bidi lahaa haddii uu midkood ku biirayo.

Xidigaan ayaa ka dhawaajiyey inuu kooxda Real Madrid aad u jecel yahay isla markaas uu ka doorbadayo kooxda Barcelona ee Dalka Spain.

22 Jirkaan Heerka Caalami ee Xulka Colombia ayaa dhaliyey labadii gool ee xulkiisa uga soo gudbeen wareegga 16-ka ee koobka adduunka.

” Waxaan Jeclaa Inaan lahaa inaan ka cayaaro Spain” ayuu yiri xidigaan, isagoo hadalkiisa sii raaciyey ” Waxaan markasta ku riyoodaa inaan halkaas ka cayaaro, waana horyaalka ugu fiican adduunka:

Mar la weydiiyey cidda uu jeclaan lahaa Barcelona iyo Real Madrid ayuu ku jawaabay ” Waxaa Door bidayaa Real Madrid halkii aan Barcelona aadi lahaa”

Kooxda Monoco oo uu ka tirsan yahay xidigaan ayaa kaga soo iibsatay  €45 million Kooxda Porto Xilli cayaareedkii lasoo dhaafay,  waxayna isku koox yihiin Xidiga ay isku wadanka yihiin ee Radamel Falcao  kaasoo koobka adduunka uga maqan dhaawac..

 

Close