Jamaahiirta Xulka Belgiumka ayaa sameeyay sawir cabsi leh oo ay soo dhigeen barta xiriirka Bulshada ee Facebook ka hor kulanka caawa ay labada xul ku wada ciyaari doonaan dalka Brazil.
Belgiumka iyo USA ayaa cawa ciyaari doona wareega 8-da ee koobka Aduunka, balse Jamaahiirtaan reer Belgium ayaa ku goodiyay sawir muujinaya iney dhiga kasoo daadiyeen xulalka Algeria, Russia Iyo South Korea.
Sawir Cabsigaliyaha xiran Wajiga layaabka leh ayaa garaacaya albaabka Mareykanka iyadoo sawirka ay ku cadahay dhiigoo laga soo daadiyay xulalka ALgeria, Russia iyo Korea.
Lama hubo natiijada ka dhalan karta kulanka labada xul balse waa cabsi galin hor leh oo layaab ku abiiri karta Jamaahiirta Mareykanka.
Profile