Home » Maxaa Cusub » Jack Wilshere Oo Waqtiga La Dagaalamaayo Sidoo Kalena Sheegay Inuu Koobka Aduunka Safan Doono

Jack Wilshere Oo Waqtiga La Dagaalamaayo Sidoo Kalena Sheegay Inuu Koobka Aduunka Safan Doono


Jack Wilshere of Arsenal and England

Xidiga kooxda Arsenal ku faanto sidoo kalena lagu tilmaamo hogaamiyaha mustaqbalka xulka England Jack Wilshere ayaa sheegay inuu koobka aduunka xaadir usoo noqon doono sidoo kalena wuxuu meesha ka saaray in laga reebi doono liiska England madaama xaalkiisa uusan wanaagsaneyn balse Jack ayaa warkaas biyo qaboow ku shubay wuxuuna yiri “Caafimaad badan ma qabo waayo kulamo badan ma aanan cayaari dhawaanahan balse waxaa iga go’aan ah inaan koobka aduunka ka dhex muuqdo waana sameyn doonaa midaas!”

Xidigan dhalinta yar tan iyo markii uu cagta ka jabay bishii Maars cayaar saaxiibtinimo oo ay England la cayaartay xulka Demnark kaliya 2-kulan ayuu saftay sida darteed waxaa laga cabsi qabaa hadii koobka aduunka loo xusho inuu qaab cayaareed wanaagsan soo bandhigi waayo sidaa darteed saxaafada dalka England ayaa macalin Roy Hodgson ku cadaadineys in uu Wilshere liiskiisa ka reebo balse xidigan ayaa sheegay in loo dul qaato wuxuuna yiri “hadii aan cayaaro kulamada saaxiibtinimo ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin waxaan dib usoo ceshan doonaa qaab cayaareedkeygii wanaagsanaa” hadaba Jack Wilshere iyo riyada uu niyada ku haayo inay rumoobi doonto waxaa la ogaan doonaa ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close