Home » Maxaa Cusub » Jack Wilshere Oo Halis Ugu Jira In La Ganaaxo Kadib Markii Uu Farta U Taagay Jamaahiirta Man City

Jack Wilshere Oo Halis Ugu Jira In La Ganaaxo Kadib Markii Uu Farta U Taagay Jamaahiirta Man City

article-2523671-1A19D94D00000578-181_634x319

Kubad sameeyaha Kooxda Gunners Jack Wilshere ayaa qarka u saaran inuu la kulmo ganaax kadib markii uu farta u taagay Jamaahiirta Kooxda Man City Kadib guuldaradi Etihad Stadium.

Jack Wilshere ayaa ka xanaaqay go’aankii garsoore Mark Atkinson kaas oo kubad goosha dhigay markii ay xifaaltameen Wilshere & Fernandinho.

Xidigaan reer England ayaa caradii uu u qabay Atkinson ku qarabaxay Jamaahiirta kuwaas oo ku qeyliyay xidigaan ka hor inta uusan farta u taagin.

Dhacadaan waxaa laba sano ka hor sameeyay Luis Suarez oo garoonka Carvan Cottege farta ugu taagay Jamaahiirta Fulham kulan dhacay December 2011.

Sidoo kale Stephan Carr oo ka tirsanaa Bermingham ayaa lagu ganaaxa kulan uu ka horyimid Aston Villa ciyaar dhacday 2010.

Balse ganaaxa xidigahaan ayaa noqday lacag iyagoo lagu kala ganaaxay lacago u dhaxeeya £20,000 & £10,000.


Waxaa Aqrisay: (468)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>