Xulkii ugu horeeyay ee Afrika ayaa guul gaaray koobka Aduunka markii ay gadaal kasoo kabteen gool looga hormaray qeybta hore ee ciyaarta.
Yaya Toure ayaa hogaaminayay xulka Ivory Coast madama halyeygooda Didier Drogba uu kursiga kusoo bilowday kulankii Japan ay la ciyaareen.
Kubad sameeyaha Milan Kiezuke Honda ayaa bilaabay bandhiga goolasha ciyaartii xalay ka dhacday Brazil, waxaana lagu kala maray 1-0 oo ay hogaanka ku hayaan wiilasha reer Japan.
Wilfried Bony oo daqiiqadii 54-aad barbaraha dhaliyay iyo Gervinho oo goolka guusha gaarsiiyay u dhaliyay Ivory Coast ayaa mahad gaar ah ka helay Jamaahiirta xulka iyo tababare Sabri Lamouchi.
Si Kastaba Ivory Coast ayaa ku jirta booska labaad ee groupka C waxeyna ka hooseeyaan Colombia oo 3-0 ku qaarijisay Greece waxaana soo baxaya saadashii laga qabay in xulka Maroodiyaasha ay soo gaaraan wareega xiga ee tartankaan madama groupkooda ay awood kaga muuqato.
Jaangoow
June 15, 2014 at 2:22 PM
Waa guul africa usoo hayatay ivory coast badintii ay ka badisay japan