Horyaalka aduunka ugu xiisaha badan English Premier League ayaa si rasmi ah loo soo bandhigay isku aadka xili cayaareedka 2014/15 madaama kooxaha Yurub ugu awooda badan ay horyaalkan ku tartamaan waxaa goor hore lasoo bandhigay isku aadkiisa si saxaafada aduunka usii hadal heyso bilaabasha EPL oo ku began bartamaha bisha August, hadaba kooxda difaacaneyso EPL Man City kulankeeda ugu horeeyo waxay la cayaari doontaa naadiga New Castle halka Liverpool oo sanadkii hore labaad ku dhameesatay iyadana garoonka Anfield ku qaabili doonto cayaarta furitaanka naadiga Southampton.
Sidoo kale macalin Luis Van Gaal oo Premiership-ka ku cusub isagana kooxdiisa Man United waxay kulankeeda ugu horeeyo la cayaari doontaa Swansea City haka reebin Cesc Fabregas oo isagana London dib ugu soo laabtay kooxdiisa Chelsea kulankeeda ugu horeeyo waxay la cayaari doontaa naadiga Burnley, naadiga Arsenal oo sanadkii hore 4-aad ku dhameesatay kulankeeda ugu horeeyo kooxda Crystal Palace ayay marti qaadi doontaa. Guud ahaan hoos kaga bogo isku aadka kulamada ugu horeeyo EPL 2014./15 oo si rasmi ah u bilaaban doono 16-ka bisha August ee isla sanadkan:
Arsenal v Crystal Palace
Burnley v Chelsea
Leicester City v Everton
Liverpool v Southampton
Manchester United v Swansea City
Newcastle United v Manchester City
Queens Park Rangers v Hull City
Stoke City v Aston Villa
West Bromwich Albion v Sunderland
West Ham United v Tottenham Hotspur