Home » Africa » Isku Aadka Isreeb-Reebka Wareega Groupyada Ee Koobka Qaramada Qaarada Afrika Oo La Sameeyay

Isku Aadka Isreeb-Reebka Wareega Groupyada Ee Koobka Qaramada Qaarada Afrika Oo La Sameeyay


afcon-2015-in-morocco

Xiriirka Qaarada Afrika ayaa soo saaray isku aadka koobka isreeb-reebka wareega groupyada African Nations Cup ee sanadka 2015 lagu qaban doono dalka Morocco.

Kulamada ugu soo horeeya waxaa la ciyaari doonaa bartamaha bishaan May iyadoo sidoo kale la ciyaari doono bisha August ilaa lasoo afjaro bisha September ee isla sanadkaan.

Xulka 7-jeer heesta koobkaa ee Masar ayaa wajahaya wadamo adag Tunisia, Senegal ayuuna group G kula jiraa, sidoo kale difaacdayaasha tartanka Nigeria ayaa group la galay South Africa iyo Sudan halka Libya iyo Congo ay ku jiraan groupkaas.

ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN:

Group A : Nigeria, South Africa, Sudan, Namibia/Congo/Libya/Rwanda

Group B : Mali, Algeria, Ethiopia, winner of Sao Tome/Benin/Malawi/Chad.

Group C : Burkina Faso, Angola, Gabon, winner of Liberia/Lesotho/Kenya/Comoros.

Group D : Ivory Coast, Cameroon, DR Congo, winner of Swaziland/Sierra Leone/Gambia/Seychelles.

Group E : Ghana, Togo, Guinea, winner of Madagascar/Uganda/Mauritania/EqGuinea.

Group F : Zambia, Cape Verde, Niger, winner of Tanzania/Zimbabwe/Mozambique/South Sudan.

Group G : Tunisia, Egypt, Senegal, winner of Burundi/Botswana/CAR/Guinea Bissau.

16- Dal ayaa laga doonayaa iney soo xaadiraan tartankaan waxaana group walba laga doonayaa laba xul waana xulalka kaalmaha koowaad iyo labad tiro ahaan waxey noqon doonaan 14-xul, waxaana 15-ku noqon doono xulka martigalinaya tartankaan ee Morocco balse xulka 16-aad waxaa nasiib u yeelan doona xulka ugu dhibcaha badan xulalka kusoo baxa kaalinta sadexaad ee 7-daas group.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close