Home » Horyaalada » Bundesliga » Isku Aadka Bundesligaha Jarmalka Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Bayern Munich Kulankeeda Ugu Horeey Naadi Ay La Cayaari Doonto

Isku Aadka Bundesligaha Jarmalka Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Bayern Munich Kulankeeda Ugu Horeey Naadi Ay La Cayaari Doonto


Bayern

Gudoonka sare ee Bundelsigaha Jarmalka ayaa si rasmi ah shaaca uga qaadeen isku aadka horyaalka Jarmalka heerkiisa kowaad xili cayaareedka 2015/16.

Hadaba kooxda Bayern Munich oo difaacan doonto Bundelsigaha waxay kulankeeda ugu horeeyo la cayaari doontaa naadiga Hamburg.

Weliba kulankan ayaa lagu beegay midka daaha looga qaadi doono Bundesligaha wuxuuna ka dhici doonaa garoonka Allianz Arena 14-ka bisha August.

Bayern xili cayaareedkii dhawaa 8-0 ayay naadiga Hamburg kaga badisay halka kulankii garoonka Hamburg lagu cayaaray ay 0-0 ku kala baxeen.

Bayern Munich kulankeeda labaad waxay u safri doontaa naadiga Hoffenheim halka cayaarta sedexaad ay la cayaari doonto naadiga Bayer Leverkusen.

Dhanka kale naadiga VFL Wolfsburg oo xili cayaareedkii dhawaa kaalinta labaad Bundesligaha ka gashay waxay cayaarteeda ugu horeyso xili cayaareedka cusub la cayaari doontaa naadiga Eintracht Frankfurt.

Haka reebin kooxda Dortmund iyadana cayaarteeda ugu horey waxay kulan adag kala hortagi doontaa naadiga Monchengladbach.

Guud ahaan hoos kaga bogo kulamada ugu horeeyo Bundesligaha Jarmalka xili cayaareedka cusub 2015/16:

BAYERN MUNICH VS HAMBURG

BORUSSIA DORTMUND VS BORUSSIA MÖNCHENGLADBACH

BAYER 04 LEVERKUSEN VS TSG 1899 HOFFENHEIM

VFL WOLFSBURG VS EINTRACHT FRANKFURT

VFB STUTTGART VS 1. FC KÖLN

FC AUGSBURG VS HERTHA BERLIN

SV WERDER BREMEN VS FC SCHALKE 04

FSV MAINZ 05 VS FC INGOLSTADT 04

SV DARMSTADT 98 VS HANNOVER 96

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>