Iskooro U Gaar Ah Taariikha Koobka Aduunka Wax Badan Ka Ogaaw
Waxaa Qoray: Abbas Ali Hassan
Taariikhda: July 2, 2014

Madaama haatan koobka aduunka ee dalka Brazil ka socdo uu soo gaaray wareega 8-aad sidoo kalena tartankan uu noqday midkii ugu wanaagsanaa ee dhawaanaha la qabto waxaan idiin heynaa macluumaad gaar u ah taariikhda koobka aduunka madaama tartankan iskooro badan horey looga dhigay fadlan hoos kaga bogo iskoorada koobka aduunka u gaarka ah:
- Ma ogtahay in Pele uu yahay cayaaryahanka kaliya ee ku guuleestay labada bilad ee kala ah xidiga ugu wanaagsna koobka aduunka asigoo dhalin yar iyo sidoo kalena laacibka ugu wanaagsan koobka aduunka abaal marinta guud wuxuuna ku kala guuleestay labadaan abaal marin xiliyada kala ah 1958 laacibkii ugu dhalinta yaraa ayuu qaatay halka 1970 uu noqday xidigii ugu wanaagsanaa koobka aduunka
- Ma ogtahay in xulka Masar uu yahay xulkii ugu horeeyay ee qaarada Afrika matalaayo kaasi oo koobka aduunka kasoo muuqday wuxuuna kasoo muuqday sanadii 1934.
- Ma ogtahay cayaartii dhex martay xulalka Switzerland iyo Austria koobki aduunka 1954 uu yahay kulankii goolashii ugu badnaa la iska dhaliyo waayo cayaartan 7-5 waxaa ku badisay Austria sidaa darteed 12-gool ayay iska dhaliyeen ilaa haatan iskoorkan waa mid yaalo!
- Ma ogtahay in Luis Monti uu yahay cayaaryahanka kaliya ee koobka aduunka labo xul u saftay wuxuuna u kala cayaaray xulka Argentina sanadii 1930 halka 1934 uu Italy u saftay!
- Ma ogtahay koobkii aduunka ee ugu horeeyay 1930 qaarada Yurub ay uga qayb galeen 4-xul oo kala ahaayeen Belgium, France, Romania iyo Yugoslavia.
Like this:
Like Loading...
Profile