Home » Maxaa Cusub » Iska Ilow Bixitaan: Manchester United Oo Ugu Dambeyntii Heshiis Cusub U Sameyn Doonto Weyn Rooney

Iska Ilow Bixitaan: Manchester United Oo Ugu Dambeyntii Heshiis Cusub U Sameyn Doonto Weyn Rooney


rooney_1643930a

Maadaama qandaraaska Rooney uu kula jiro Manchester United ayaa idlaan doonto sanadka 2015  isla sanadkaas oo uu Rooney Noqonaayo 30 JIr ayaa kooxda Manchester United waxay ku taameysaa inay Rooney ka saxiixato Heshiis Cusub Maadaama la isla dhexmaraayey in Rooney uu isaga tagi doono Manchester United.

Sida ay Qortay Daily Mail  United ayaanan dooneyn hadda inay ku deg-degto inay Rooney usoo bandhigto heshiis cusub maadaama ay wali taagan tahay xaaladdii Rooney ka dhigtay nin aanan ku faraxsaneyn kooxda.

Manchester United ayaa qorsheeneysa inay Sanadka cusub Rooney usoo bandhigto Heshiis Cusub sida laga helaayo ilo wareedyo ku dhaw Kooxda.

Rooney oo la daaladhacaayo Dhaawacyo ayaa dhanka kale United ka fiirsaneysaa inay Heshiiska u kordhiso Maadaama laga yaabo in Rooney dhaawacyadiisa ay soo batan, kulamo badanna uu maqnaado lacagna uu iska qaato.

Haddaba la arki doonee Qorshaha United meesha uu ku dambeeyo iyo in Rooney uu aqbali doono qorshahaas.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close