Home » Europe » Europe League » Inzaghi: In Milan Soo Rogaal Celiso Waa Wax Adag, Dhaawacyada Ayaaa Sababay Hoos U Dhacaas

Inzaghi: In Milan Soo Rogaal Celiso Waa Wax Adag, Dhaawacyada Ayaaa Sababay Hoos U Dhacaas


pip11

Halyeeygii hore Kooxda Ac Milan Filippo Inzaghi ayaa shaaca ka qaaday in bilowga xun e Ac Milan ay ku daah furtay xili ciyaaredkaan ay sababtay dhaawacyo isbiirsaday oo si isku xig-xiga ugu yimid xidigaha ugu muhiimsan naadiga.

Milan ayaa qasaarooyin dhaawac ah kala kulantay kulamadii heerka qaran ee dhacay September waxeyna kooxda haatan joogtaa kaalinta 12-aad ee Horyaalka iyadoo 13-dhibcood ka hooseysa Roma oo horkaceysa horyaalka.

“Milan waxey ciyaartay iyadoo dhaawacyo badan ay ka qabaan xidigaheeda, balse haatan xidigo badan ayaa soo kabanaya” ayuu Inzaghi u sheegay Ac Milan TV Chanel.

“Wey adag tahay in ay dhibco lumiyaan kuwa naga sareeya anagana aan dhibcaha soo aruursano si isdaba joog ah, balse hadii wadajir loo shaqeeyo waxaan filayaa iney macquul tahay”

Sidoo Kale Inzaghi ayaa ka hadlay dareenka Milan ee kulanka Udinese madama garoonka Sansiro uu xiran yahay isla markaana aysan jirin taageere Ka socda labada koox oo soo xaadiraya kulankaas madama Jamaahiirta Milan ay cunsuriyad ku sameeyeen Xidigaha Madow ee Juve.

“Ma Jirto koox ciyaari karta taageere la’aan, waxaana fiicneed in dib loo furo garoonka”

 

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close