Home » Maxaa Cusub » Inter Milan Oo Qorsheyneyso Iney Lasoo Saxiixato Burburiyaha Liverpool Lucas Leiva

Inter Milan Oo Qorsheyneyso Iney Lasoo Saxiixato Burburiyaha Liverpool Lucas Leiva


Levia

Inter Milan ayaa qorshaheeda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ku darsatay burburiyaha reer Brazil Lucas Leiva kaas oo la filayo inuu isaga tago kooxda Liverpool xagaagan kadib markii xidigaan uu boos joogto ah ka waayay tababare Rodgers.

Mustaqbalka xidigaan waxaa ragaadiyay dhaawacyo fara badan oo saameeyay taasoo hubanti uga dhigi weysay booskiisa Liverpool haatana kooxda waxaa kusoo biiray Adam Lallana oo qeyb ka noqon doona mixnadaha khadka dhexe Liverpool ay ku dagaal gali doonto xagaaga soo aadan.

Si Kastaba milkiilaha kooxda Inter Milan Erick Thohir kaas oo doonaya inuu sameeyo maalgalin baahsan ayaa xidigaan reer Brazil ku darsaday liiska xidigaha uu Liverpool kusoo biirin doono xagaagan.

Sidoo kale kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa baahi u qaba xidig sida Lucas Leiva oo kale kaas oo caan ku ah inuu ka dagaal galo booska 6-aad ee garoonka.

Warbixin lagu qoray warbaahinta Ingiriiska ayaa todobaadkaan gudahiisa tilmaantay in Liverpool ay diyaar u tahay iney iska iibiso Lucas taas oo dhiirigalisay Inter Milan.

Dhanka kale 27-jirkaan heerka caalami waxaa lala xiriirinayay kooxda Napoli oo uu joogo macalinkii hore Liverpool Rafael Benitez.

Ugu dambeyntii Inter Milan ayaa maalmaha soo aadan dalab rasmi ah u gudbin doonta Lucas Leiva si ay xidigaan Sansiro u keento xagaagan.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close