Kooxda Inter Milan ee dalka talyaaniga ayaa kusii dhawaaneysa iney gacanta kusoo dhigto burburiyaha xulka Chile iyo Kooxda Cardiff City Gary Medel kaas oo kaalin libaax leh ka qaatay hormarkii ay Chile ka sameeyeen Koobka Aduunka xagaagan sida ay ku warameyso Tuttosport.
Kooxda Nerrazurri lagu neynaaso ayaa bartilmaameedka koowaad ka dhigatay Medel iyadoo raadineysa xidig ay ku xoojiso khadka dhexe kooxda madama kooxda ay gali doonto dagaal baahsan oo ay magaceeda dib ugu soo celineyso.
Tuttosport ayaa saakay ku warantay in Medel uu heshiis sadex sano ah la galay Inter Milan isagoo qaadan doona sanadii 1.6 Malyan Oo Euro balse labada kooxood wali ma aysan gaarin heshiis rasmi ah oo xidigaan u ogolaanaya inuu usoo guuro magaalada Milan.
Sidoo kale wali labada kooxood iskuma aysan fahmin lacagaha xidigaan, Cardiff City ayaa taagan 10 Malyan Oo Euro, inkastoo Inter Milan ay wado qorshe ay ku qaadaneyso xidigaan amaah, isla iyadoo bixineysa 50% qiimaha xidigaan halka hadii uu anfaco ay bixineyso 50% xili ciyaareedka soo aadan.
Marka la fiiriyo farqiga u dhaxeeya labada kooxood, wax walba waxaa la dhameyn doonaa maalmaha soo aadan, wuxuuna noqon doonaa xidigii afaraad ee Chile ah oo xirta maaliyada Inter Milan taariikhda.
Profile