Xulka Ingiriiska ayaa Wembley ku qaabilay Peru kulan xiiso badnaa oo Roy Hodgson uu tijaabiyay xidigo badan waxaase hogaanka u hayay xulka Sadexda libaax kabtan Steven Gerrard oo kusoo bilawday ciyaarta.
Rooney, Sturridge & Welbeck ayaa weerarka kusoo wada bilawday taas oo ka dhigtay in xulka Ingiriisku ay xowli u weeraraan goolka Peru inkstoo ay 3-0 aaqirkii ku suldaareen.
Weerarkii Ingiriiska ayaa la dhihi karaa waxba wuu tari waayay markii labada daafaca ee Cahill iyo jagielka ay laba gool dhalsheen kadib gool caaqibo leh oo uu dhaliyay Daniel Sturridge.
Sturridge ayaa bilaabay bandhiga goolasha ee Ingiriiska isagoo kubad ka toogtay meel ka baxsan xariiqda goosha, si habsami leh ayuuna shabaqa u dhexdhigay xidiga Liverpool.
Labada Daafac ee Jagielka iyo Cahill ayaana qeybtii dambe raacsaday laba gool waxaana Peru ay ka tageysaa England iyadoo xambaarsan 3-gool.
Wilshere, Barkley, Stones, Sterling, Smaling iyo Milner ayaana badal kusoo galay kuwaas oo lagu kala badalay: Rooney, Jagielka, Baines, Lallana, Gerrard & Sturridge
1-0: Goolkii Sturridge
2-0: Goolkii Cahill
3-0: Goolkii jagielka
Gerrard oo la badalay