Kubad qaabeeyaha naadiga B. Dortmund Ilkay Gundogan oo aan ka qayb qaadan doonin koobka aduunka kadib markii uu dhaawac halis ah dhanka dhabarka kasoo gaaray ayaa laga soo bandhigay sawiro muujinaayo in jirkiisa uu isbadal weyn ku yimid madaama xidigan mudo 11-bilood ah uusan kubada cayaaran muuqaal ahaan Ilkay cayil uusan fileyn ayaa soo wajahay sidoo kalena xidigan oo aan tababar adag sameynin mudo dheer ayaa haatan sheegay inuu miisaan badan kusoo kordhay!
23-jirkan xili cayaareedkii 2012/13 caalamka ka yaabiyay sidoo kalena Dortmund u suura galiyay inay kama dambeesta koobka horyaalada Yurub soo gaarto ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay ka maqnaan shaha koobka aduunka madaama xulkiisa Jarmalka uusan kala qayb qaadan karin balse aqbaarta wanaagsan ayaa ah in xidigan uu haatan kasoo kabtay dhaawacii dhabarka ka asiibay sidoo kalena uu dhawaan tababar adag bilaabi doobo markii uu fasaxa kasoo laabto balse muuqaalka laga soo bandhigay ee lagu baahiyay barta Twitter-ka ayaa walaac xoogan ku abuuray macalinka naadiga Dortmund madaama Ilkay Gundogan uusan haatan u ekeyn xidig kubada cayaaro balse uu u ekaaday shaqsi caadi ah oo miisaan badan jirkiisa galay!!