Daqiiqado ka hor ayey kooxda Paris Saint Germain shaacisay inay heshiiska u kordhisay Laacibkeeda Ibrahomovic iyadoo qalinka ugu duugtay Heshiis gaaraya ilaa 2016.
Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday in Zlatan Ibrahimovic uu qandaraaska u kordhiyay kooxda isagoo sannad kale ku daray qandaraaskiisa, waxaana uu Paris sii joogayaa ilaa iyo 2016. Xiddiga reer Sweden ayaa PSG kaga soo biiray AC Milan 2012dii isagoo markaas saxiixay heshiis seddex sanno ah.
waxaana uu dhaliyay goolal ka badan inta ay dhaliyeen xiddigaha kale ee horyaalka France jooga, isagoo ka caawiyay PSG inay qaado horyaalkeedii ugu horeeyay muddo 19 sanadood ah. Bixitaankii Carlo Ancelotti ee xagaagii ayaa keentay inay soo baxaan warar xan ah oo shaki gelinayay mustaqbalka 31 jirkaan, laakiin PSG ayaa si aad ah u qiimeysa weeraryahankanaa, kaasoo haatan doonaya inuu waqtigiisa ugu fiican ee ciyaareed ku qaato Parc des Princes.
“Ma arko koox kale oo ka hami badan qaarada Yurub oo aan ka aheyn PSG” ayuu Ibrahimovic u sheegay website-ka kooxda. “Waxaan rajeynayaa in Paris Saint-Germain ay noqoto kooxdeydii iigu danbeysay ee koox weyn. Kooxdan waa sida aniga oo kale: Inaad iska riyooto kaliya kuma kaafineyso.”