Home » Horyaalada » Bundesliga » Hummels Oo Xulka Jarmalka U Suura Galiyay Inay Semi-Finalaha U Gudbaan Halka France Ay Gurigooa Aadeen!!

Hummels Oo Xulka Jarmalka U Suura Galiyay Inay Semi-Finalaha U Gudbaan Halka France Ay Gurigooa Aadeen!!


Hummels

Xulka Jarmlka ayaa u suura gashay inay Semi-finalaha koobka aduunka u gudbaan kadib markii kulan aad u dhib badan ay 1-0 kaga badiyeen xulka ay sida weyn u xifaaltamaan waxayna Jarmalka guushan kaga mahad celinayaan daafacooda tayada wanaagsan Mats Hummels oo goolka muhiimka ah u dhaliyay qaybtii hore.

Kulan xiisaha badan ayaa qaybtii hore la is mari waayay madaama labadan xul ay cayaarayeen kubad qaab difaac ah sidoo kalena labada dhinac taxadir dheeraad ah ayay muujinaayeen balse Mats Hummels ayaa reer France qalbi jab ku riday daqiiqadii 12-aad kadib markii uu madaxa la helay kubad uu soo karoosay Toni Kroos waxaana goolka qalad ku lahaa Rafeal Varane oo kasoo bixi waayay waajibkiisa kadib markii uu si wanaagsan u raaci waayay Hummels.

France v Germany

Xidigaha xulka France ayaa dadaal muujiyeen dhamaadii qaybtii hore balse waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku hayeen xulka Jarmalka waxayna labadan xul qaybtii hore nasiinada aadeen ayagoo aad u daalan madaama garoonka Maracana u jawi ahaan aad u kululaa.

Markii la isku soo laabtay xidigaha xulka France ayaa weerar ku bilaabeen sidoo kalena gacan sareeyeen balse uma suura galin inay daafaca xulka Jarmala iyo goolhaye Manuel Neuer dhaafaan waxaana kubada is weedaarsanayeen xidigaha kala ah Benzema, Pogba iyo Griezmann.

France v Germany

Xidigaha xulka Jarmalka ayaa cayaareen kubad caqli ku dheehan madaama Khedira, Kroos iyo Schweinesteiger ay kubada heesanayeen ayagoo uga tala galeen inay waqtiga dilaan, Andrea Schurrle oo Klose badalay qaybtii dambe ayaa labo fursadood oo qaali ah helay balse goolhayaha xulka Lloris ayaa ka bad baadiyay.

France v Germany

Benzem ayaa fursad qaali ah helay 4-daqiiqo ee lagu daray balse goolhaye Neuer ayaa ka bad baadiyay waxayna xidigaha France ka qaadeen niyad jab fursada qaaliga ah ee Benzema laga celiyay waxayna cayaarta kusoo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday xulka Jarmalka oo markii 4-aad oo xariir ah koobka aduunka u gudbneen nus dhumaaka koobka aduunka waxayna ku farxeen xidigaha uu macalin Joachim Low hogaamiyo guusha dhibka badneed oo ay gaareen.

France v Germany

France v Germany


Close