Kooxda Hull City ayaa fursad u heshay iney markii ugu horeysay kasoo qeyb gasho tartanka Europa League kadib markii kooxda ay soo gaartay Finalka FA Cupka waxaana arintaan dhacdo u badalay kulankii Manchester City ay Goodinson Park ku garaacday Kooxda Everton sabtidii.
Sida uu qabo xeerararka UEFA iyo FA-ga hadii labada kooxood ee soo istaaga Finalka FA Cupka ay mid ka mid ah xaqiijiso ka qeyb qaadashada tartanka weyn aysan ku xirneen in kooxda kale ay ku guuleysato tartanka si ay uga qeyb qaadato Europa League.
Guuldaradii Everton waxey fududeysay in Arsenal ay xaqiiqsato iney xili ciyaareedka dambe ka ciyaari doonto Champions League, taasna waxey fursad siisay Hull City oo imaanshaha Finalka FA Cupka ku heshay iney aado Europa League.
Everton ayaa booska Shanaad ku jirta iyadoo booska lixaad ay fadhiso Tottenham Hotspur halka Manchester United ay joogto booska 7-aad.
Kaliya Kooxaha Horyaalka Ingiriiska waxaa loo ogol yahay iney kaga soo qeyb galaan tartankaan Sadex kooxood: Waxaana haatan xaqiijiyay Hull City iyo Everton.
Kooxda sadexeyn laheyd waxaa laga doonaya midkood kooxaha Manchester United iyo Tottenham Hotspur kuwaas oo isku dhibco dhaw, kaliya barbardhac ayey u baahan tahay Tottenham Hotspur iney kasoo qeyb gasho Europa League waxaana halkaas ku dhamaan doona rajada Man United ee tartamada Yurub.
SIDEE MAN UNITED EUROPA LEAGUE KUSOO AADI KARTAA?
Manchester United haatan waxey 6-dhibcood ka hooseysaa kooxda Tottenham Hotspur inkastoo ay kulan gacanta ku heysato, Hadii Man United ay adkaato labada kulan ee u haray, isla markaana Halka kulan ee u haray Tottenham ay guuldaro hesho Man United ayaa soo aadi doonta Europa League.
Hadii ay Tottenham hesho kaliya hal dhibic kulankeeda ugu dambeeya horyaalka ee ay axada ciyaari doonto Man United waxey kaliya ku ekaan doontaa tartamada ay qabtaan xiriirka FA-ga.