Khamiistii aynu kasoo gudubnay Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa waxaa ku geeriyooday Madaxweynihii ugu horeeyay ee madow ah ee ay yeelato South Africa.
Nelson Mandela “Madiba” ayaa geeriyooday isagoo jira da’da 95-jirka wuxuuna ahaa shaqsi qiimo iyo sumcad ku leh qaarad weynta Africa iyo sidoo kale Kubada Cagta Dhexdeeda.
Sida ay shaacisay Sportsmail, Xiriirka FA-ga ayaa go’aamiyay in daqiiqad loo aamuso geerida ku timid Nelson Mandella go’aankaas ayaana dhaqan gali doona kulamada maanta la ciyaarayo.
Si la mid ah kulamada Axada iyo Isniinta la ciyaarayo ayaa iyana loo istaagi doonaa.
Sidoo kale FA-ga ayaa baaq culus u diray kooxaha kale ee yurub iyo xiriirada kuwaas oo ku dhiirigalinaya iney qaataan go’aan la mid ah midka ay qaateen, Champions League ayaa sidoo kale filayaa in loo istaago.
Waxaa Aqrisay: (64)
Mogadishu - Somalia