Koobka Aduunka ayaa fooda inagu soo haya waxaana lasoo helay xogtii ugu dambeysay ee ku aadan horyaalka ugu badan ee ay ciyartodiisa ka qeyb galayaan koobka Aduunka iyo Kooxda ugu badan inkastoo daraasad hore ay jirta hadana waa daraasadii ugu dambeysay madama la ogaaday 23-ka xidig ee sida rasmiga ah xul walba kaga qeyb galeyso koobka Aduunka.
Horyaalka Premier League ayaa noqday horyaalka ugu badan ee ay ciyaartoydiisa ka qeyb galayaan koobka Aduunka waxaana Brazil u duuli doona 105 ciyaariyahan oo ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska.
Manchester United oo aheyd koox xili ciyaareedkii dhamaaday liidatay ayaa ku leh koobka Aduunka 14-ciyaartoy, halka Arsenal, Liverpool & Man City ay ku leeyihiin min 10-ciyaartoy, Blues ayaa iyana ku leh 12-ciyaartoy.
Liiska Horyaalada
1. England’s Premier League 2. Italy’s Serie A 3. Germany’s Bundesliga 4. Spain’s Primera Division 5. France’s Ligue 1 6. Russia’s Premier League 7. Mexico’s Liga MX 8. Turkey’s Super Lig 9. Portugal’s Primera Division 9. USA’s MLS |
105 81 73 62 47 34 26 24 22 22 |
Dhanka kale waxaa la shaaciyay kooxaha ay ciyaartoyda ugu badan kaga qeyb galayaan koobka Aduunka waxaana liskaan hogaaminaya kooxda Bayern Munich oo koobka Aduunka ku leh 15-ciyaartoy. Manchester United aya kusoo xigta.
Liiska Kooxaha:
1. Bayern Munich 2. Manchester United 3. Barcelona 4. Chelsea 4. Juventus 4. Napoli 4. Real Madrid 8. Arsenal 8. Liverpool 8. Manchester City 8. Paris Saint-Germain |
15 14 13 12 12 12 12 10 10 10 10 |
Koobka Aduunka ee ka dhici doona Brazil ayaa noqon doona midkii ebid ugu xiisaha badnaa hadii sida la filaayo ay dhacdo madama kubada cagta uu isbadal weyn ku yimid isla markaana ay awood wada leeyihiin dhamaan 32da dal ee ka qeyb galaya tartanka sanadkaan.
lfc fans
June 5, 2014 at 3:36 PM
kkkkkkkkkkkkkk waaa wax la iska qoaray liverpool 10 baa loo qoray dhowr iyo tobana anaaba garanaya sida gerrard sturridge flangan handerson sterling johanson lampert syarez agger kola toure mignolet reina skrteland sakho iyo kuwo kale oo aanan garanayn see ku yidhaahdeen waa toban