Horyaalka Bundeslia Jarmalka ayaa galabta lasoo afjaray iyadoo horyaalka ay markii labaad oo xiriir ah ku guuleysatay waxaana la ogaaday in horyaalka ay qaaday bishii March ee kal hore iyadoo horyaalka uu ka harsan yahay 7-kulan, balse dhacdooyin kale oo in la ogaado u baahan ayaa ka dhacay.
Horyaalka Jarmalka sida la ogyaay waxaa ka qeyb galay 18-kooxood kuwaas oo 7-ka mid ah fursad u heli karaan iney kasoo muuqdaan tartamada qaarada yurub ee Champions League & Europa League.
GUULEYSTAHA:
Bayern Munich ayaa ku guuleysatay horyaalka Bundesliga iyadoo kaliya laba guuldaro dhabarka loo saaray kuwaas oo ay kakala heshay Borrusia Dortmund iyo Ausburg waxaana ay dhibco ahaan istaagtay 90-dhibcood.
CHAMPIONS LEAGUE:
Tartanka Champions League oo ah tartanka ugu qiimaha badan qaarada yurub waxey dalka Jarmalka xaq u leeyihiin iney helaan afar kooxood oo mid ka mid ah ay soo mari doonto kulan kala bax ah.
Bayern Munich
Borrusia Dortmund
Schalke 04
Sadexdaas kooxood ayaa si toos ah u aadi doona wareega groupyada ee tartanka halka kooxda Bayer Leverkusen ay xaqiiqsatay booska afaraad iyadoo fursad u heli karta iney kasoo qeyb gasho Champions League waxeyna mari doonaa isreeb-reeb hal koox oo laba waji leh.
EUROPA LEAGUE:
Tartanka labaad ee yurub ugu qiimaha badan ee Europa League waxeyna xaq u leeyihiin sadex kooxood inkastoo laba kooxood ay soo mari doonan wareegyo kala wajiyo badan.
VfL Wolfsburg ayaa si toos ah u qaadi doonta tartanka Europa League wareegiisa groupyada madama ay kusoo baxday kaalinta shanaad ee horyaalka, balse Borrusia Monchengladbach ayaa mari doonta wareeg hal koox ah oo laba waji le ah madama ay ciyaari doonaan laba kulan oo minan iyo marti ah.
FSV Mainz 05 ayaa iyana mari doona wareeg sadex nuuc ah oo ay soo arki doonto sadex koox oo kala duwan oo ka socda horyaalada yurub qaarkood.
HEERKA LABAAD:
Madama Horyaalka Jarmalka uu yahay horyaal ka kooban 18-kooxood waa si toos ah u laabata 2-kooxood mar walba inkastoo mararka qaar ay noqon karaan sadex madama kooxda kaalinta 16-aad ay kulan kala bax ah la ciyaari doonto naadiga kaalinta sadexaad ka galay horyaalka Heerka Labaad.
F.C. Nuremberg iyo Eintratch Braunschweing ayaase ka ciyaari doona heerka labaad xili ciyaareedka soo socda balse kooxda Hamburg ayaa heysata fursad ay kaga sii mid ahaato kooxaha heerka koowaad waxeyna ciyaari doonaan kulan kala bax ah.
GOOL DHALINTA:
Weeraryahanka kooxda Borrusia Dortmund Robert Lewandowski ayaa ku guuleystay gooldhalinta horyaalka Jarmalka isagoo dhaliyay 20-gool xili ciyaareedkaan waxaana uu kaga guuleystay Mario Mandzukic oo ay isla lahaayeen 18-gool wixii ka horeeyay kulamadii ugu dambeeyay.
CAAWINTA:
Marco Reus oo khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Borrusia Dortmund ayaa noqday xidiga ugu caawinta badan horyaalka kaas oo dhiibay 14-kubadood oo gool noqday xili ciyaareedkaan.
Safidinho Safidiin Yare
May 11, 2014 at 12:55 AM
Fc Cologne teamkii Uu dheeli jiray Podolski Serie B maka soo baxeen Aqyaarta Horyaal Bundeslega ma usoo dalaceen Yacni