Home » Falanqeynta » Hordhaca Man United vs Southampton: Januzaj Oo Donaya Inuu Mar Kale Guul Garsiiyo United

Hordhaca Man United vs Southampton: Januzaj Oo Donaya Inuu Mar Kale Guul Garsiiyo United


_62637209_62637207

Man United ayaa Maslaxa Riyada “Old Trafford” kusoo dhaweyn doonta kooxda Southampton oo safka hore kaga jirta kala sareynta horyaalka Premier League iyadoo leh 14-dhibcood.

M. Jones ayaa dhexdhexaadin doona waxaana Geeska Africa laga daawan doonaa 5:00 Galabnimo, waxeyna ka dhigan tahay in Southampton ay Man united ka sareyso 4-dhibcood.

Adnjan Januzaj ayaa rajeynaya inuu mar kale farxad galiyo taagerayaasha United kadib guushii Sunderland ee Stadium of Light.

18-jirkaan ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay markaas oo Man United 1-goal hogaanka looga hayay.

Tom Cleverley ayaa laga yaabaa inuu kursiga keydka galo madama Januzaj uu ciyaari doono, sidoo kale Fellaini ayaa kusoo bilaaban doona kaas oo kursiga keydka ku dhameystay kulankii Sunderland.

David Moyes ayaa dhibaato u arka inuu waayo Ferdinand madama kulankii Sunderland uu maqnaa xidiga balse suuragal ay noqon karto inuu safto kulanka galabta, xili uu kasoo bogsooday dhaawac fudud oo tababarka kasoo gaaray.

Wiilasha David Moyes ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ee Old Trafford guuldaro ka helay West Bromwich Albion, 28-September laba goal oo ka yimid Morgan Amalfitano iyo Saido Berahino ayaana lagu qaarijiyay inkastoo goal ay ka heleen Wayne Rooney.

Taariikhda ayaa qori doonta in markii ugu horeysay ay Southampton soo booqato Old Trafford iyadoo ka saryesa Man United dhibco ahaan.

Southampton ayaa ah koox difaac adag leh waxaana laga dhaliyay kaliya 2-goal, dhamaan 7-dii kulan ee ay soo ciyaartay iyadoo guuldaro la kulantay 1-jeer oo kaliya.

Guuldarada kaliya ee soo gaartay Saint ayey ka heshay Norwich kulan kusoo idlaaday 1-0.

Southampton ayaa ku bilowday horyaalka bilow fiican markii ay gaaray sadex guul oo isku xiga Liverpool oo ay ku garaacday Anfield Road iyo laba kulan oo gurigeeda ay ku qaarijisay Swansea iyo Crystal Palace.

Wiilasha Macalin Pochettino ayaa dib ugu soo laabtay kooxaha sare ee horyaalka tan iyo 2001 markaas oo ay sameysay sidaan oo kale iney kasoo muuqato meelaha sare-sare ee horyaalka.

Goalhaye Boruc ayaa waayay kulankii Poland ay 2-0 guuldarada ah kala kulantay England, habeenkii talaadada, sidoo kale Luke Shaw ayaa laga yabaa inuu maqnaado kaas oo ah daafac da’yar oo nafsadiisa u hura Southampton.

Line Upka Macquulka Ah:

Man Utd: De Gea; Rafael, Ferdinand, Vidic, Evra; Carrick, Fellaini; Nani, Rooney, Januzaj; Van Persie

Southampton: Boruc; Clyne, Fonte, Lovren, Shaw; Lallana, Schneiderlin, Wanyama, Ward-Prowse; Lambert, Osvaldo

SAADAASHA LAGA BIXIYAY:

Man United 2 – 1 Southampton

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close