Xulka Spain oo ah dalka difaacanaayo koobka aduunka ayaa qarka u saaran inay gabi ahaanba isaga haraan tartankan qiimaha badan hadii caawo ay dhigeeda Chile guuldaro kala kulmaan, ma jirin qof filaayay in Spain kulankeedii ugu horeeyay 5-1 xasuuq ah ay kala kulmi doonaan xulka Holland sidaa darteed dhamaan dadka ka faaloodaan cayaaraha waxay kala laabteen kalsoonida Spain waxayna haatan ku tilmaameen xul calankiisa sii dhacaayo.
Dhanka reer Chile iyaga cadaadis ma saarno sidaa darteed waxay ku raaxeesanayaan koobka aduunka weliba kulankoodii ugu horeeyay 3-1 waxay kaga tilaabsadeen Australia dabcan caawo ayay tijaabo culus mari doonaan waxayna diyaar u yihiin inay geesinimo iska raadiyaan una bac bac dhigaan awooda xulka Spain.
Aqbaar ku saabsan diyaar garowga ay labadan xul ku jiraan:
Macalin Del Bosque isaga ma qarsanin inuu xulka Spain isbadal xoogan ku sameyn doono kadib guuldaradii Holland ayuu saxaafada la hadlay wuxuuna yiri “dabcan isbadal ayaan ku sameyn doonaa Line Up-keyga kulanka Chile waxaan heesana 23-xidig oo tayo wanaagsan sidaa darteed waa muhiim xidigaha aan heesto inaan caawo ka faa’iideesto oo aan fursad siiyo” nasiib wanaag goolhaye Iker Casillas isaga ayaa caawo kulankan adag qaban doono inkastoo furitaankii uu soo bandhigay cayaar aan la jecleesanin waayo wiilkii badali lahaa David De Gea dhaawac halis ah ayaa soo gaaray balse Javi Martinez ayaa lagu wadaa in caawo lagu soo bilaabo.
Macalinka xulka Chile Jorge Sampaoli isagana wuxuu ka warsugi doonaa xaaalada Arturo Vidal inkastoo xidigan uu kulankii hore ku dhawaad 60-daqiiqo cayaaray hadana weli si wanaagsan uma soo kabanin sidaa dareed kulanka Spain caawo wuu ka qayb qaadan doonaa balse lama hubo inuu dhameesan karo iyo in kale.
Dhacdo la xariirto kulankan xiisaha badan:
Line Up-ka macquulka oo ay labada xul kusoo gali doonaan:
Spain: Casillas, Ramos, Martinez, Alba, Azpilicueta, Alonso, Busquets, Xavi, Silva, Pedro
Chile: Bravo, Isla, Mena, Medel, Jara, Diaz, Aranguiz, Vidal, Sanchez, Valdivia, Vargas.