Home » Maxaa Cusub » Hordhaca Kulamada: Uruguay vs Costa Rica, Colombia vs Greece & Ivory Coast vs Japan

Hordhaca Kulamada: Uruguay vs Costa Rica, Colombia vs Greece & Ivory Coast vs Japan


GroupC

Tartanka Koobka Aduunka ayaa si habsami leh kaga socda dalka Brazil iyadoo ay dhaceen kulamo badan oo xiiso gaar ah lahaa inkastoo sidoo kale ay dhacdooyin lama filaan ah dhaceen.

Hadana caawa waxaa la filayaa iney dhacaan Afar kulan oo xasaasi ah oo aan ka falanqeyn doono Sadex ka mid ah madama Falanqeynta England iyo Italy aan sharaxnay.

Colombia vs Greece

Kulankaan waa kulanka ugu horeeya group C waxaana ku wada jira afar xul oo awood ahaan siman isla markaana mid walba ay rajo buuxda ka qabto iney soo istaagto wareegyada xiga ee koobkaankaan.

Colombia ayaa wado raaxo leh ku timid Brazil markii ay ku dhameysteen kaalinta labaad isreeb-reebkii kulamadii ay ciyaareen qaarada Latin Ameerica, balse soo dhawaadkii tartankaan waxey la xanuunsadeen dhaawaca halyeeygoore Radamel Falcoa kaas oo seegay tartankaan.

Wiilasha Macalin Jose Pekerman ayaa rajeynaya iney helaan fursad weyn mudo kadib iyagoo markaan hogaan ahaan u wata xidigo badan oo laga xusi karo, Cuardado & Guarin.

Dhanka kale Xulka Greece ayaa iyaguna soo gaaray koobka Aduunka iyadoo si raaxo leh kusoo baxay, Karagounis ayaana hogaanka u haya xulkaan waxeyna doonayaan iney soo gaaraan wareega xiga.

WAKHTIGA: Kulankaan waxaa geeska Afrika laga daawan doonaa 7:00 Fiindimo waana kulanka ugu soo horeya kulamada maanta.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Colombia: Ospina; Balanta, Yepes, Zapata; Armero, Sanchez, Aguilar, Zuniga; Gutierrez, Rodriguez, Bacca

Greece: Karnezis; Torosidis, Sokratis, Manolas, Holebas; Salpingidis, Karagounis, Maniatis, Tziolis, Samaras, Mitroglou

URUGUAY VS COSTA RICA

Xulka uu hogaamiyo Oscar Tabarez ayaa doonaya iney sameeyaan bilaw fiican marka ay furitaanka groupkaan ku kulmaan xulka awooda yar ee Costa Rica.

Kulankaan ayaa ka dhici doona Fortaleza ka hor kulanka Ingiriiska iyo Italy oo iyagana groupkaan kula jira.

Uruguay ayaa caawa laga yaabo inuu caawa ka maqan yahay faraska madow ee Luis Suarez kaas oo dhaawac uu kasoo gaaray tababarkii ugu horeeyay Uruguay ee koobkaan.

Luis Suarez ayaa tababar buuxa bilaabay balse tababare Tabarez ayaa doonaya inuu nasiyo Suarez si uu kulanka England diyaar ugu noqdo.

Caawa waxaa la filayaa in Diego Forlan iyo Edinson Cavani ay isku baheystaan weerarka xulka Uruguay ee caawa.

Dhanka kale Tababare Jorge Pinto ayaa caawa guul ka filaya Bryan Ruiz iyo Joel Campbell kuwaas oo ah wiilasha ugu caansan xulka Costa Rica.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Uruguay: Muslera, Pereira M, Lugano, Godin, Caceres, Ramirez, Arevalo, Gargano, Rodriguez, Cavani, Forlan

Costa Rica: Navas, Mora, Gonzalez, Duarte, Umana, Diaz, Borges, J Cubero, Ruiz, Campbell, Urena

IVORY COST VS JAPAN

Xulka Afrika kasoo jeeda ee Ivory Coast ayaa doonaya inuu soo gaaro wareega 16-ka ee koobka Aduunka marka ay caawa saqda dhexe wajahaan xulka Japan oo kasoo jeeda qaarada Asia.

Xulka Colombia ayaa ah kulanka ugu awooda badan groupkaan C sida ay tilmaameen quburada kubada cagta, Kabtan Didier Drogba ayaana doonaya inuu xulkiisa gaarsiiyo wareega 16-ka.

Sidoo kale Solomon Kalou, Gervinho & Wilfried Bonny ayaa ah sidoo kale weeraryahanada ugu waaweyn ee ay wataan Ivory Coast tartankaan.

Yaya Toure ayaa la filayaa inuu caawa dhaawac ku seego kulankaan madama uu dhaawac fudud qabo.

Dhanka kale Shinji Kagawa oo xili ciyaareed xun ku qaatay Manchester United ayaa doonaya inuu caawa Japan u hogaamiyo guushoodii ugu horeysay.

Tababaraha reer talyaani ee Alberto Zaccheroni ayaana doonaya inuu caawa xulkiisa madaxa u galiyo wareega xiga guul ayeyna u baahan yihiin reer Japan.

Kiezuke Honda, Yuto Nagatomo & Atsuto Uchida aya dhamaantood wada diyaar ah caawa mana jiro dhaawac halis galin kara nolosha Japan ee Caawa.

LINE UPKA MACQUULKA AH

Ivory Coast: Barry; Zokora, Kolo Toure, Bamba, Boka; Ya Konna, Tiote, Yaya Toure; Gervinho, Kalou, Drogba

Japan: Kawashima; Uschia, Yoshida, Konno, Nagamoto; Endo, Hasebe; Kagawa, Honda, Kiyotake; Okazaki


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close