Horyaalka Ingiriiska ayaa maanta daaha laga qaadi doonaa saacada marka ay tahay 2:45 Duhurnimo xiliga Geeska Afrika, markaas oo ay is wajahayaan kooxda Man United iyo Swansea inkastoo ay jiraan sidoo kale kulamo badan oo ay ugu weyn yahay kulanka dhexmari doona kooxaha Arsenal & Crystal Palace.
Manchester United ayaa kulankeeda ugu horeeya la yeelan doonta Swansea City iyadoo Louis Van Gaal uu isku diyaarinayo kulankiisii ugu horeeyay English Premier League.
Laba sano ka hor kulankii ugu dambeeyay tababare Sir Alex Ferguson, United ayaa la ciyaartay Swansea City iyadoo Rio Ferdinand uu dhaliyay gool mudo abaar ay ka heysay inuu shabaqa soo taabto.
WARBIXINTA KULANKA:
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Man United vs Swansea City
Garoonka: Old Trafford
Tartanka: FA Premier League
Saacadda: 2:45 Duhurnimo (Xiliga Geeska Afrika)
Garsoore: M. Dean
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Saxiixa cusub ee kooxda Luke Shaw ayaa nasiib u yeelan waayay inuu la kowsado furitaanka horyaalka Ingiriiska kadib markii dhaawac dhanka muruqa ah uu soo gaaray.
Jonny Evans oo ka maqnaa kooxda kulankii Valencia ee todobaadkii hore, ayaa ku biiraya liiska xidigaha Antonio Valencia iyo Micheal Carrick kuwaas oo nasiib u yeelan waayay iney kasoo muuqdaan furitaanka EPL-ka.
Rafael oo badi dhaawac ku maqnaa kulamadii fasaxa ayaa soo kabsaday, iyadoo Robin Van Persie uusan wali taam u noqon inuu ciyaaro, balse Adnan Januzaj, Fellaini iyo Ashley Young ayaa dhamaantood diyaar ah.
Dhanka kale Nathan Dyer iyo Wayne Routedge ayaa dib ugu soo laabtay kooxdooda kadib markii ay seegeen kulankii saaxibtinimo ee Villrreal.
Balse warka farxada u ah United ayaa ah iney dhaawac ku maqan yahiin Leon Britton, Marvin Emnes iyo Jay Fulton halka weeraryahankooda reer Ivory Coast Wilfried Bonny iyo saxiixooda cusub Gomis ay diyaar yahiin.
XAQIIQADA KULANKA:
⇒ Tani waa cagsi (janjeer) madama kulankii ugu horeeyay xili ciyaareedkii hore ay labadaan naadi ku ciyaareen Liberty Stadium ciyaar kusoo idlaatay 4-1, RVP iyo Welbeck ayaana min laba gool dhaliyay.
⇒ Swansea ayaa guuldaro la kulantay todoba kulan sideed kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaarto furitaanka horyaalka Ingiriiska
⇒ Wayne Rooney ayaa dhaliyay sadex jeer, afar kulan oo uu kooxdisa hogaankeeda hayay [Captain] (laba kulan guul, laba kulana guuldaro).
⇒ Wilfried Bonny laba jeer ayuu soo taabtay shabaqa United sadex kulan oo uu ka hor yimid xagaagii hore
LINE UPKA MACQUULK AAH:
Manchester United:
De Gea; Smalling, Evans, Jones; Rafael, Fletcher, Herrera, Young; Mata; Rooney, Hernandez
Swansea City:
Fabianski; Rangel, Bartley, Williams, Taylor; Shelvey, Ki; Routledge, Sigurdsson, Montero; Bony
Crystal Palace ayaa usoo duuleysa magaalada London madama ay caawa la ciyaari doonto kooxda Arsenal kulan ka dhici doona garoonka Emirates ee waqooyiga London ku yaala, waana kulankooda furitaanka labada dhinac xili ciyaareedka cusub ee horyaalka ingiriiska.
Kulankaan ayaa kusoo aadaya xili kooxda Crystal Palace ay shalay lumisay macalinkoodii Tony Pullis, iyadoo Arsenal ay isbuucii hore soo afjartay abaartii koob la’aan ee ka heysatay koobka Community Shield oo ay ugu dmabeysay 2004, Manchester City ayeyna 3-0 kaga adkaatay.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Arsenal vs Crystal Palace
Garoonka: Emirates Stadium
Tartanka: FA Premier League
Saacadda: 7:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)
Garsoore: J. Moss
YAA MAQAN YAASE CIYAARI DOONA?
ARSENAL:
Kooxda martida loo yahay ayaa sii ogeyd iney weyneyso garabkeeda reer England Theo Walcott kaas oo ku jira kabsashadii ugu dambeysay,
Sidoo kale goolhayaha cusub ee kooxda David Ospina ayaan muuqal ku yeelan doonin kulankaan, halka sidoo kale Arsene Wenger oo ka fakaraya kulanka ay talaadada la ciyaari doonaan Besiktas kulanka kala baxa Champions League uu ciyaartoy u dhigan doono.
Dhanka kale Sadexda wiil ee reer Jarmal Mertesacker, Podolski iyo Mesut Ozil ayaan taam aheyn madama ay tababarka bilaabeen goor dhaw kadib fasaxii koobka Aduunka.
Sidoo kale Laurent Koscielny ayey macquul tahay inuu ciyaaro madama xidigaan uu xanuun dareemay kulankii Community Shield ee ay City ku xasuuqeen 3-0 todobaadkii hore.
CRYSTAL PALACE:
Kooxda Crystal Palace ayaa ciyaari doonta la’aanta daafacooda Damian Delaney, iyo sidoo kale daafacooda reer Wales Jonathan Williams kaas oo isna dhaawac qaba.
Kooxda macalin la’aanta ah ee Crystal Palace ayaa dib u heleysa daafaceeda Adrian Mariappa kaas oo dhaawac kasoo kabtay.
XAQIIQDA KULANKA:
⇒ Kooxda Arsenal ayaan guul gaarin kulanka furitaanka horyaalka Ingiriiska tan iyo sanadii 2009 markaas oo ay 6-1 kaga adkaadeen Everton
⇒ Arsenal guul ayey gaartay afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay la yeelatay Crystal Palace.
⇒ Markii Ugu dambeysay Crystal Palace ay guul ka gaarto Arsenal waxey aheyd sanadii 1994-tii kulan kusoo idlaaday 2-1 oo ka dhacay Highbury.
⇒ Sadex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay labadaan kooxood qeybta hore waxey kusoo dhamaatay 0-0.
⇒ Kulamadaas ma jiro mid kusoo idlaaday barbaro 0-0, iyadoo laba gool la dhalinayay kulan walba.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Arsenal:
Szczesny; Debuchy, Chambers, Koscielny, Gibbs; Arteta, Ramsey; Cazorla, Wilshere, Sanchez; Giroud
Crystal Palace:
Speroni; Ward, Hangeland, Dann, Delaney; Puncheon, Jedinak, Ledley, Bolasie; Chamakh, Campbell
Profile