Caawa Waxaa dhici doona kulamo afar ah oo laga ciyaari doono koobka Aduunka labada Group ee C & D waxaana qormadaan ku falanqeyn doonaa Kulamada laga ciyaari doono Groupka C.
Kulamada Ka Dhici Doona Groupkaan:
Japan vs Colombia
Greece vs Ivory Coast
JAPAN VS COLOMBIA
Xulka goorta hore banaanka is keenay ee Colombia ayaa caawa la ciyaari doonta Japan oo leh rajo meel dhexaad ah inkastoo fursada ugu fiican ay heyato Ivory Coast oo dhibic kaliya u baahan si ay usoo tiigsato Wareega 16-ka.
Colombia labadii kulan ee ugu dambeysay waxey gaartay guulo iyadoo soo garaacday Ivory Coast iyo Greece balse caawa guuldaro soo gaartay wax badan uma dhibi doonto iney kasii mid ahaato kooxaha 16-ka marka laga reebo in farqiga goolasha ay ku weyso kaalinta 1-aad hadii Ay Ivory Coast adkaato.
Japan ayaa u baahan iney guul ka gaarto Colombia, sidoo kalana laba gool looga badiyo Ivory Coast markaas ayey soo gudbi kartaa.
XAQIIQADA KULANKA:
Colombia hal mar ayey wajahday xulalka ka socda Asia mudada koobka Aduunka halkaas marna guul ayey ka gaartay Sacuudiga ayey 2-0 kaga badiyeen koobkii Aduunka ee 1990.
Juan Cuadrado oo sadex gool caawiyay ayaa noqday xidiga ugu caawinta badan xulka Colombia tan iyo 1966-dii iyadoo la ciyaarayo koobka Aduunka.
Japan ayaa dhalisay kaliya hal gool sadexdii kulan ee ugu dambeysay koobka Aduunka.
XIDIGAHA SAFKA HORE :
Japan: Kawashima; Konno, Uchida, Yoshida, Nagatomo; Hasebe, Honda, Yamaguchi, Kagawa; Okubo, Osako
Colombia: Ospina; Armero, Arias, Zapata, Aguilar; Guarin, Sanchez, Vargas; Bacca, Martinez, Rodriguez
GREECE v IVORY COAST:
Xulka ugu rajada fiican Africa ayaa la ciyaari doona Greece oo leh rajo 10% isagoo u baahan inuu goolal badan uga badiyo Ivory Coast sidoo kalana Japan ay guuldaro la kulanto.
Labadii Kulan ee lasoo dhaafay midna ma guuleysan kulan barbadhac ah iyo kulan laga badiyay, waxeyna haatan doonayaan iney si mucjiso ah kusoo baxaan waana marka ay goolal afar ka badan kaga badiyaan Maroodiyaasha Africa.
Ivory Coast waxey ku fashilantay iney guul gaarto kulankii ugu dambeeyay iyagoo guuldaro kala kulmay Colombia, waxeyna caawa u baahan yihiin barbaro si ay u xaqiijiyaan booskooda waase hadii Japan laga badiyo ama ay ku badiso wax la mid ah (1) gool.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Greece (4-4-2):
Karnezis; Torosidis, Papasthathopoulos, Manolas, Holebas; Fetfatzidis, Karagounis, Maniatis, Kone; Samaras, Mitroglou.
Ivory Coast (4-2-3-1):
Barry; Aurier, Zokora, Bamba, Boka; Tioté, Serey Die; Kalou, Y Touré, Gervinho; Bony.
Garsoore: Carlos Vera (Ecuador).
Profile