Xulka Ghana ayaa Fiidnimada ku martigelineysa xulka Masar magaalada Kumasi lugta hore ee wareega ugu danbeeya ee isreebreebka Koobka Adduunka.
Labada lug ee ay iswajahayaan labadaan xul ayaa laga filayaa inay ka soo baxaan kulamo xiiso leh, iyadoo Black Stars ay ka warqabaan inay wajahayaan xulka waqtigaan la joogo ugu qaab ciyaareedka wanaagsan qaarada ee Masar iyagoo ku dagaalamaya xulkii tagi lahaa Brazil sannadka soo socda.
Kulanka: Ghana ? – ? Masar
Tartanka: Lugta Hore Ee Isreeb-reebka Koobka Aduunka
Garoonka: Baba Yara Stadium, Kumasi, Ghana
Garsooraha: Bouchaib Al-Ahrach
Waqtiga: 7:00 Xiliga Geeska Africa
Masar ayaa ah xulka kaliya ee Afrika ee wada badiyay dhamaan kulamadii ay soo ciyaareen isreebreebka Koobka Adduunka.
Sidoo kalena ma kala cada haddii lugta labaad lagu qaban doono Qaahira, iyadoo Fifa ay weydiisatay Masar inay hubinta ka dhigto amaanka ka hor 19ka bisha November.
Waxaana ay taasi jawaab u aheyd codsiga Ghana ay gudbisay ee aheyd in kulankaas laga bedelo caasimada Masar sababo la xiriira cabsi dhanka amaanka ah oo la qabo iyadoo xaalada Masar ay qasan tahay tan iyo markii xilka madaxweyne laga tuuray Mursi.
Tababaraha Ghana Kwesi Appiah ayaa waxaa ka maqnaan doona ciyaaryahanka khadka dhexe Kevin-Prince Boateng kaasoo dhaawac uu ku soo gaaray isbuucii hore intii uu u ciyaarayay Schalke.
Xidigaha Macquulka Ah Ee Safka Hore:
GHANA (4-2-3-1)
Richard Kingson; Daniel Opare, Awal Mohamed, Jerry Akaminko, Mubarak Wakaso; Sulley Muntari, Michael Essien; Kwadwo Asamoah, Andre Ayew, Asamoah Gyan; Abdul Majeed Waris.
GYPT (4-3-3)
Sherif Ekramy; Ahmed Fathi, Wael Gomaa, Mohamed Naguib, Ahmed Shedid; Hossam Ashour, Mohamed El-Nenny, Hossam Ghaly; Mohamed Salah, Mohamed Abou-Treika, Walid Soliman.
Bixitaanka uu Boateng ka baxay xulka ayaana keentay inuu dhaleeceyn kala kulmo taageerayasha kuwaasoo su’aal geliyay haddii dhaawaca ciyaaryahanka uu halis u yahay sida la sheegtay.
Waxaana ay taasi qasabtay in madaxweynaha xiriirka kubada cagta Ghana Kwesi Nyantakyi inuu difaaco ciyaaryahanka isagoo u sheegay BBC Sport: “Waa wax aan cadaalad aheyn in lagu fekero in qof uu been abuur ka sameynayo dhaawac. Waa inaad naxariis u dareeno islamarkaana u rajeyno inuu dhaqso ku soo laabto si uu dib ugu soo biiro Black Stars.”
Si kastaba, maqnaanshiyaha Boateng ayaa dhabarjab weyn ay ku tahay Ghana kuwaasoo sidoo kale ay ka maqan yihiin daafacyadooda koowaad John Boye iyo Jonathan Mensah.
Masar xaalad sidaas ka duwan ayay ku jirtaa iyadoo tababare Bob Bradley uusan heysan wax dhaawac culus ah oo uu ka walwalo, waxaana uu kalsooni ku qabaa inuu Masar ku hogaamin karo Koobkii Adduun ee ugu horeysay tan iyo 1990.
Waxa uu heystaa ciyaartoy intooda badan wadanka gudahiisa ka ciyaara gaar ahaan kooxaha Al Ahly iyo Zamalek.