Cayaarta labaad ee ugu adag koobka aduunka waxay caawo fiidkii dhex mari doonaa xulalka Jarmalka iyo Portugal balse kulankan hadal heyntiisa waxaa hareeyay dhaawacyo ay qabaan qaar ka mid ah xidigaha labadan xul ugu muhiimsan sidaa darteed maalin walbo markii kulan laga hadlaayo waxaa laga doodaa ma cayaari doonaan xidigaha kala ah Cristiano Ronaldo, Bastian Schweinsteiger iyo Sami Khedira madaama ay dhaawacyo kala duwan ayagoon qabaan koobka aduunka usoo safreen.
Macalinka xulka Portugal Paulo Bento ayaa sheegay inuu caawo qaadan doono go’aan aad u adag madaama 100% uusan hubin Cristiano Ronaldo uu kulankan xasaasiga ah safan karo sidoo kale macalin Joacim Low isagana xaalkiisa ma fadhiyo waayo labada xidig ee Jarmalka ugu muhiimsan dhanka khadka dhexe Bastian Schweinsteiger iyo Sami Khedira diyaar garow adag ma sameyni maal mihii ugu dambeeyay mana u lahan labadan xidig karti ay 90-daqiiqo caawo ku dhameesan karaan.
WARBIXINTA KULANKA
Kulanka: FIFA World Cup 2014
Taariikhda/Saacada: June 16, 2014, 7:00 PM
Goobta: Itaipava Arena Fonte Nova, Salvador, Bahia
Garsooraha: Milorad Mažić (Serbia)
Xaalaada Guud ee Labadan Xul Ku Sugan Yihiin:
Waxaan idiin sheegnay in xidigo muhiim ah labadan xul dhaawac ka yihiin sidoo kalena waxay si isku mid ah uga cabanayaan kuleelka ka jiro dalka Brazil hadaba labadan xul caawo malaga dareemi doonaa dhibaatada ay saxaafada ka sheegayaan madaama kulan adag dhex mari doono, geeska kale ruug cadaa Miraslov Klose isagana waxaa la sheegay inuusan weli si wanaagsan uga soo kabanin dhaawaca uu qabo sidaa darteed kursiga ayuu fariisan doonaa caaw tani waxay ka dhigan tahay in xulka Jarmalka weeraryahan la’aan ay garoonka soo gali doonaan, sidoo kale kabtan Philipp Lahm isagana khadka dhexe ayaa la filaa inuu ka cayaaro.
Dhaco La Xariirto kulank xiisaha badan:
Labadan Xul Kulamadii Ay Horey U Wada Cayaareen:
Guud ahaan labadan xul waxay wada cayaareen 17-kulan oo heer caalami ah waxayna xulka Jarmalka guuleesteen 9-ka mid ah halka Portugal ay badiyeen 3-kulan sidoo kalena 5-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen balse sedexdii tartan ee ugu dambeesay oo ay labadab xul wada kulmeen Jarmalka ayaa guuleesteen (World Cup 2006, Euro 2012 iyo Euro 2008).
Line Up-ka macquulka ah oo ay labadan xul caawo kulankan adag kusoo gali doonaan:
Germany: Neuer, Hummels, Mertesacker, Boateng, Howedes, Lahm, Kroos, Gotze, Ozil, Podolski, Muller
Portugal: Patricio, Pepe, Alves, Pereira, Coentrao, Veloso, Meireles, Moutinho, Nani, Ronaldo, Almeida.
Profile