Xulka sadexda jeer heysata koobka Aduunka ayaa caawa wajahi doona Ghana oo wacdaro ka dhigay koobka Aduunka sanadii 2010 inkastoo nasiib daradooda ay dhaafsiin weysay wareega Quater Finalka, hadana haatan waxey la xanuunsanayaan guuldaro xanuun badan oo ay ka heleen Mareykanka kulnakii furitaanka inkastoo Germany ay guul la filan waayay ku bilowday markii ay 4-0 ku dhufteen Portual.
Sidoo kale dhacdada la filayo ayaa ah in mar kale ay kulmaan walaalaha Boateng kuwaas oo asal ahaan ah reer Ghana balse daafaca Bayern Munich Jerome ayaa ku adkeystay inuu u ciyaaro xulka Jarmalka walow walaakiis Kevin-Prince uu doortay xulka asalkiisa uu kasoo jeedo ee Ghana 2010 ayey iska horyimaadeen hadana waa markii labaad ee koobka Aduunka.
WARBIXINTA KULANKA
Kulanka: Germany vs Ghana
Group: H
Garoonka: Estadio Castelao
Saacada: 10:00 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika
Garsoore: Sandro Ricci
MAXAA CUSUB?
Kubad Sameeyaha reer Jarmal Bastian Schweinsteiger ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto garoomada kaas oo shaki dhaawac ku seegay tijaabadii ay ka gudbeen ee Portugal, Sami Khedira ayaana galay booskiisa.
Sidoo kale shaki wey ayaa laga qabaa safashada Mats Hummels kulanka caawa ee Ghana waxaana booskiisa gali doona hadii uu seego Shkodran Mustafi.
Dhanka kale Ghana Majeed Waris ayaa dib ugu soo laabanaya xulka kaas oo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan xulka, sidoo kalana Asamoah Gyan ayaa weerarka hogaamin doona.
Michael Essien ayaa kusoo bilaaban doona safka hore madama uu dhaawac ka bogsooday isagoo booska kala bixi doona Mohammed Rabiu.
MA OGTAHAY?
⇒ Germany ayaa kaliya hal guuldaro ka helay xulalka Afrika iyadoo la ciyaaryo Koobka Aduunka waxeyna aheyd 16-kii June 1982 markaas oo ay (2-1) guuldaro ah kala kulmeen xulka Algeria. (Afar wey ka badiyeen xulalka Afrika) (1-na barbaro ayey la galeen).
⇒ Ghana ayaa ku fashilantay iney shabaqeeda ilaashato Shantii kulan ee ugu dambeysay Koobka Aduunka, waxaana laga dhaliyay (6-gool).
⇒ Germany ayey kaliya soo gaartay 1-guuldaro 19-kii kulan ee ugu dambeeyay wareega groupyada Koobka Aduunka waxeyna guuldaradaas kala kulmeen Serbia 18-kii June 2010 ciyaar ku dhamaatay (1-0), (14 Wey badiyeen), 4-na barbardhac).
⇒ Afar ka mid ah lixdii gool ee ugu dambeysay ee Ghana laga dhaliyo waxey yimaadeen waqtigii dhimashada oo uu ku jiro goolkii USA ay kaga badisay isbuucii hore.
⇒ Thomas Muller ayaa dhaliyay 8-gool, 7-kulan oo Koobka Aduunka ah, isagoo 7-gool dhaliyay Afartii kulan ee ugu dambeysay.
⇒ Germany ayaa soo gudbi doonta hadii ay garaacdo Ghana isla markaana Portugal ay guuldaro ama barbardhac ka hesho USA.
⇒ Ghana waxey u laaban doontaa Afrika hadii ay guuldaro ka hesho caawa xulka Germany isla markaana USA ay barbardhac ama guul ka hesho Portugal.
⇒ Kulankii ugu dambeeyay ee labadaan xul dhexmara wuxuu dhacay Koobkii Aduunka 2010 markaas oo Ghana loogu awood sheegtay (1-0).
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Germany (4-3-3):
Neuer; Boateng, Mertesacker, Mustafi, Höwedes; Kroos, Lahm, Schweinsteiger; Özil, Müller, Götze.
Ghana (4-2-3-1):
Dauda; Opare, Mensah, Boye, Asamoah; Essien, Muntari; Atsu, Boateng, Ayew; Gyan.