Home » Maxaa Cusub » Hordhaca Germany Vs Algeria: Xulalka Qaaradda Yurub Oo Dhan Algeria Germany Ayey Ka Garaacday

Hordhaca Germany Vs Algeria: Xulalka Qaaradda Yurub Oo Dhan Algeria Germany Ayey Ka Garaacday


Germany-vs-Algeria-World-Cup-2014-Round-Of-16-Football-Wallpaper

waxaa caawa kulan adag dhex mari doonaa Xulalka Germany Iyo Algeria kulan ka tirsan wareegga 16-ka Koobka Adduunka ee Brazil, Haddaba hoos kaga bogo faalada Kulankaan.

Kulanka: FIFA World Cup 2014

Taariikhda/Saacada: June 30, 2014 • 11:00 PM

Goobta: Estádio José Pinheiro Borba (Beira-Rio), Porto Alegre,

Garsoore: Sandro Meira Ricci (Brazil) 40-sano ayuu jiraa

Xulka Jarmalka oo sedex jeer u guuleesteen taariikh ahaan koobka aduunka ayaa damacsan inay caawo wareega 8-aad u gudbaan balse waxay loolan culus kala kulmi doonaan xulka Algeria oo ku caan baxay inuu xulalka awooda isbado dhulka ku jiido, xulka ka dhisan Waqooyiga Afrika waxay isku qabaan kalsooni buuxdo  sidaa darteed macalinka Jarmalka Joachim Low ayaa walaac ka muujiyay halista kaga imaan karto Algeria wuxuuna yiri “marnaba niyada ma gashanin inaan si sahlan Algeria kaga badin karno waa xul awood badan sidoo kalena kubad weerar celis ah cayaaro sidaa darteed waxaan garoonka soo gali doonaa anagoo taxadir badan qabno!”

Sidoo kale macalinka xuka Algeria Vahid Halilhodzic oo isku kalsoon wuxuu yiri “kadib guushii weyneed ee aan ka gaarnay kulankii Koonfur Korea waxaan Brazil yeelanay taageerayaal farabadan sidaa darteed Jarmalka waan iska celin karnaa inkastoo caalamka oo idil ay sadaalinayaan inay Jarmalka wareega 8-aad u gudbi doonaan”

Aqbaar ku saabsan xidigaha labadan xul:

Lukas Podolski ayaan kulankan adag ka qayb qaadan doonin madaama uu dhaawac muruqa ah qabo balse Jerome Boateng ayaa kasoo kabtay jugtii uu qabay waxaana la filaa in kulankan xiisaha badan lagu soo bilaabo.

Dhanka xulka Algeria ma jiro cayaaryahan muhiim ah oo dhaawac kaga maqan waxaana la filaa in Madjid Bougherra uu Line Up-ka dib ugu soo laabto kadib markii kulankii ugu dambeeyay la nasiyay waxayna xulkan caawo isku haleen doonaan Islam Slimani oo kusoo baxay weeraryahan awood badan oo aan shabaqa laga celin karin.

Dhacdo La Xariirto Kulankan xiisaha badan:

  • Taariikh ahaan labadan xul labo jeer ayay kulmeen waxaana labada jeer guuleesteen xulka Algeria labadaas kulan Algeria waxay dhaliyeen 4-gool halka Jarmalka 1-gool dhaliyeen.
  • Guuldaradii ugu xanuunka badneen Jarmalka waxay kala kulmeen Algeria koobkii aduunka 1982 cayaar 2-1 guusha ku raacday xulka Waqooyiga Afrika.
  • Taariikh ahaan tartanka Koobka Aduunka Ageria waligood hal mar ayay ka badiyeen xul ka dhisan qaarada Yurub waana Jarmalka oo ay sanadii 1982 ka badiyeen.
  • Jarmalka 3-koob ee ugu dambeesay waxay soo gaaren Semi-final sidaa darteed ma jiro taariikh ahaan xul 4-jeer oo xariir ah Semi-final koobka aduunka soo gaaray hadaba Jarmalka ma sameyn doonaan midaas.
  • Algeria waa xulka 6-aad ee qaarada Afrika matalaayo kaasi oo kulama kala baxa ama Knock Out-ka koobka aduunka soo gaaro waxaana horey usoo gaareen (Morocco, Cameroon, Senegal, Nigeria iyo Ghana).
  • Thomas Muller ayaa koobka aduunka ka dhaliyay 9-gool asigoo cayaaray 9-kulan sidoo kalena tartankan haatan Brazil ka socdo 6-jeer ayuu kubada goosha ku laaday wuxuuna dhaliyay 4-ka mid ah!
  • Xulka Algeria koobka aduunka ilaa haatan 6-gool ayay ka dhaliyeen waxaa u dhaliyeen 5-cayaaryahan oo kala duwan.
  • Miroslav Klose ayaa caawo u baahan inuu hal gool dhaliyo si uu kali ugu noqdo iskoorka laacibka ugu goolasha badan koobka aduunka.
  • Xulka Jarmalka 8-ka mid ah ayay guuleesteen 9-kulan ee ugu dambeesay oo ay koobka aduunka cayaareen.
  • Sidoo kale Jarmalka 7-kulan ee ugu dambeesay oo ay koobka aduunka cayaareen 5-ka mid ah wax gool ah lagama dhalinn.

 

Line Up-ka Macquulka Ah Oo Ay Labadan Xul Caawo Kusoo Gali Doonaan:

Germany: Neuer, Hummels, Boateng, Mertesacker, Howedes, Lahm, Kroos, Schweinesteiger, Ozil, Gotze, Mueller.

Algeria: M’Bolhi, Mandi, Bougherra, Halliche, Mesbah, Medjani, Bentaleb, Brahimi, Djabou, Feghouli, Slimani.

Close