Home » Africa » Hordhaca: Ethiopia vs Nigeria: Super Eagles Oo Beegsanaya Iney Gaaraan Markii Shanaad Koobka Aduunka

Hordhaca: Ethiopia vs Nigeria: Super Eagles Oo Beegsanaya Iney Gaaraan Markii Shanaad Koobka Aduunka



Xulka Difaacanaya Koobka Qaramada Qaarada Africa ee Nigeria ayaa isago ay ka muuqato kalsooni dheeraad ah maanta wajahaya xulka Ethiopia kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka Qaarada Africa wareega Kala Baxa, Lugta hore.

Wiilasha Stephan Keshi ayaa iyagoon aan laga adkaan kasoo baxay groupka ay ku jireen [Group F] markii ay guul gaareen sadex kulan halka sadexda kulan ay barbadhac galeen, waxaana laga dhaliyay oo kaliya sadex goal.

Geesiga Xulka Daafaca dambana ka ciyaara Solomon Kwambe ayaa aaminsan in kalsooni saa’id ah ay ku qabaan kulanka Maanta ay la ciyaari doonaan Xulka Ethiopia.

“Waxan Nahay difaacdayaasha Kobka Qaramada Africa” ayuu yiri, “Waa inaan sii muujinaa inaan nahay Libaaxyada Africa taasoo ka dhigan inaan garaacno Ethiopia” aya laga soo xigtay.

Wareega heerkaan ah ayaa noqonaya kii shanaad ee ay marto Nigeria halka Ethiopia ay mari doonto tijaabadii ugu horeysay ee heerkaan oo kala ah.

Macalinka Xulka Ethiopia Sewnet Bishaw ayaa walaac ka muujiyay maqnaanta weeraryahankooda Getaneh Kebed kaas oo jilibka ka dhaawacan.

“Waxaan luminay ciyaariyahan weyn, waana halka uu ka dhaq-dhaqaaqo xulka” ayuu yiri Sewnet Bishaw.

“Waxaan Rajeyneynaa inuu dhawaan soo kabsado balse ma ciyaari doono kulanka Maanta”

Bishaw ayaase ku qasban inuu weerarka ku ciyaarsiiyo Saladin Said Ahmed kaas oo buuxin doona booska Getaneh Kebed.

Ethiopia ayaa awood kaga soo baxday Groupkooda markii ay adkaadeen 4-kulan lixdii kulan oo uu ciyaaray wuxuuna kulankii ugu dambeeyay ciida ku daray Central Africa Republic oo ay ku garaaceen 2-1, waxeyna kaalinta koowad kala waregeen South Africa.

Xidigaha Labada Xul:

Ethiopia: Bancha-Dedebe-Abebaw-Tesfay- Said Saladin-Gobena-Breghizo-Teshome-Bekele-Ukuri-Asefa-Girma

Nigeria: Enyeama-Ambrose-Oboaboa-Eguekwe-Echiejile-Mikel Obi – Sunday Mba-Brown Ideye- Ahmed Musa-Emenike-Victor Moses

Xusus: Kulankaan Waxaa Laga Daawan Doonaa Geeska Africa 4:00 Galabnimo

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close