Koobka kooxaha Adduunka ayaa la soo afjarayaa,waxaana isku soo haray Finalka kooxda Yurub ee Bayern Munich iyo kooxda Africa ee Casablanca.
Waana Markii ugu horeysay ee ay labadaa kooxood kasoo qeyb galaan tartankaan, Raja Casabalanca ayaa soo reebtay kooxda uu hogaamiyo Ronaldinho ee Atletico Miniero halka bayern ay soo cuntay kooxda reer Asia ee Guangzhou Evergrande.
Dhaawaca: Holger Badstuber, Bastian Schweinsteiger iyo Arjen Robben Dhamaan Bayern Munich inkastoo aysan jirin xidig ka dhaawacan kooxda Raja Casablanca
Maxa Ku Cusub Labada Naadi.
Bayern Munich ayaa Finalka koobka kooxaha Adduunka gaartay kadib markii 3-0 ay ugu soo badisay kooxda soo qaaday koobka kooxaha Assia ee Guangzhou Evergrande.
Munich ayaa tartanka ugu soo biirtay kaliya wareega Semi Finalka maxaa yeelay waxaa ay soo qaaday koobka UEFA Champions League ee xagaaga 2012-2013 .
Hadii Munich ay qaado koobkan waa markii ugu horeysay ee kooxda iyo koox Germany ah.
Bayern Munich ayaa ah haatan kooxda hogaamineysa Bundesliga iyadoo 7 dhibcood ka sareysa kooxda kaalinta labaad ee Bayer Leverkusen.
Kooxda Germany iyo kooxda hogaamiyaasha Yurub ee Munich ayaan koobkan ku guuleysan wiligeed
Kooxda dalkeeda lagu qabanayo ciyaaraha ee Casablanca ayaa labo jeer soo badisay waxaana ku jirtay guushii xiisaha laheyd ee 3-1 ay ugu badiyeen kooxda Ronaldinho ee Atletico Mineiro wareega Semi Finalka.
Waxey noqon doontaa markii lexaad oo koox Yurub ka socota ay ka qeybgasho koobka
cash boy
December 21, 2013 at 7:44 PM
bayern munich ayaa leh koobkan koxdan raja iska ba dhaf real madrid ama barcelona viva bayern