Caawa kulamo culus ayaa ka dhici doona Brazil waana marka ay is wajahaana afarta xul ee ku wada jira groupka G kuwaas oo dhamaan wada doonaya iney soo gudbaan inkastoo aysan jirin wali wadan xaqiijiyay booskisia 16-ka.
Germany ayaa hogaamineysa groupkaan iyadoo afar dhibcood la wadaagta xulka USA, balse Ghana iyo Portugal ayaa wada leh min 1-dhibcood inkastoo farqiga goolasha uu aad u kala dheer yahay.
USA vs GERMANY
Kulankaan waa kulanka ugu adag groupkaan wuxuuna dhexmari doonaa labada kooxood ee ugu sareeya groupkaan iyagoo maanka ku haya in barbardhac ay galaan ay faa’iido u tahay isla markaana labadooda ay soo gaari doonaan wareega 16-ka taasoo ka dhigan innatiijo walba oo ku dhamaata kulanka Portugal iyo Ghana aysan waxba soo kordhin doonin.
Tababare Joachim Low ayaan wax badan ka badali doonin shaxdii uu ku wajahay Ghana waxaana laga yaabaa in kaliya lagu soo bilaabo Miroslav Klose oo hamuun u qaba inuu dhigo rikoor cusub oo dhan goolasha Koobka Aduunka ah.
Tababaraha Jarmalka Joachim Low ayaa wajahaya xulkiisa isqagoo Jarmalka u saftay 108-kulan, una dhaliyay 47-gool wuxuuna ka mid yahay halyeeyada aan laga hilmaami karin Berlin.
Clint Dempsey oo hogaanka u haya USA iyo gacan ka helitaanka uu ka sugayo Altidore iyo Bradley ayaa xul awood leh ka dhigaya Dalka NBA-da looga haray ee Mareykanka.
KULAMADII HORE:
Kulan saaxiibtinimo June 2013
USA 4 – 3 Germany
Goolasha USA: [Altidore, ter Stegen =Kama gool =, Dempsey 2-gool]
Goolasha Germany: [Westermann, Kruse, Draxler]
Kulan saaxiibtinimo June 2006
Germany 4 – 1 USA
Goolasha Germany: [Schweinsteiger, Neuville, Klose, Ballack]
Goolasha USA: Cherundolo
Koobka Aduunka June 2002
Germany 1 – 0 USA
Micheal Ballack
MA OGTAHAY:
⇒ Miroslav Klose ayaa isbuucii lasoo dhaafay dhaliyay goolkiisii 15-aad ee koobka Aduunak wuxuuna kula biiray Ronaldo xidigaha ugu goolasha badan koobka Aduunka taariikhda.
⇒ Xidigaan Lazio u ciyaara ayaa noqonaya xidigii sadexaad ee afar koob aduun shabaqa soo taabta wuxuuna rikoorkaas kula biiray Pele iyo Uwe Seeler.
⇒ Daafaca Arsenal Per Mertesacker ayaa isbuucii hore saftay kulankiisii 100-aad ee Jarmalka waana xidigii 13-aad ee ugu safashada badan Jarmalka.
⇒ Jarmalka ayaa kaliya lumiyay hal kulan 20-kii kulan ee ugu dambeeyay wareega groupyada, 14-wey badiyeen 5-barbaro ayey galeen.
⇒ Jarmalka ayaa shabaqiisa ilaashan waayay lixdii kulan ee ugu dambeysay koobka Aduunka waxaana laga dhaliyay sideed gool.
⇒ USA kaliya laba kulan ayey shabaqooda difaacdeen 25-kii kulan ee ugu dambeeyay koobka Aduunka, balse waxey dhaliyeen goolal sideed kulan oo xiriir ah.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
USA: Howard; Johnson, Cameron, Besler, Beasley; Beckerman, Jones; Bedoya, Bradley, Zusi; Dempsey
Germany: Neuer; Howedes, Hummels, Mertesacker, Lahm; Schweinsteiger, Khedira; Ozil, Kroos, Gotze; Muller
Profile