Home » Maxaa Cusub » Hordhac: Siduu Noqon Doonaa Tartanka Horyaalka Ingiriiska Xili Ciyaareedka Soo Aadan

Hordhac: Siduu Noqon Doonaa Tartanka Horyaalka Ingiriiska Xili Ciyaareedka Soo Aadan


prem-top-four_2802799b

La arag wixii dhacay xili ciyaareedkii 2013/2014 waxaana goob joog loo wada noqday in Manchester City ay horyaalka hanatay markeedii labaad mudo sadex sanadood gudahood, iyadoo laba dhibcood ka sareysa kooxda kusoo xigtay ee Liverpool.

Luis Suarez ayaa ku guuleystay kabta dahabka gooldhalinta horyaalka Ingiriiska, inkasstoo sidoo kale uu ku guuleystay abaalmarinta xidiga sanadka iyo xidiga xili ciyaareedka, iyadoon meesha ka marneyn inuu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta xidgia sanadka ee qorayaasha horyaalka Ingiriiska.

Eden Hazard ayaa loo magacaabay xidiga sanadka ee da’yarta, inkastoo macalin Tony Puliis oo Crystal Palace maamula loo aqoonsaday macalinka xili ciyaareedka.

Kooxaha: Manchester City, Liverpool, Chelsea & Arsenal ayaa xiriirka FA-ga u matali doona tartanka Horyaalada Yurub ee Champions League.

Kooxaha: Everton, Tottenham & Hull City ayaana sidoo kale xiriirka FA-ga u matali doona koobka UEFA EUROPA LEAGUE.

* Hull City: Kooxdaan waxey kusoo gashay booskaan iyadoo tagtay Finalka Koobka FA Cupka inkastoo ay qasaro kala kulantay kooxda Arseanl.

* Man United: Kooxda Shayaadiinta Cas-Cas ayaa seegeysa dhamaan tartamada yurub.

Kooxaha: Cardiff City, Fulham & Norwich ayaa u laabtay heerka labaad ee Championshipka.


HADABA WAA SIDEE WAJIGA CUSUB EE XILI CIYAAREEDKA 2014/2015.

Shaki Kama taagna In Premier League uu yahay horyaalka ugu daawashada & Xamaasada Badan aduunka waxaana kooxaha ugu awooda badan ay haatan yihiin ilaa shan kooxood.

Horyaalka Ingiriiska wuxuu daaha ka qaadmayaa 16-ka August 2014, waana Xili Ciyaareedkii 23-aad ee Madama magaca Premier League la bixiyay 1992.

Sadex Kooxood Ayaa usoo dalacay heerka koowaad kuwaas oo dheeraad ku noqon doona 17-ka koooxood ee xili ciyaareedkii hore ku sugnaa horyaalka:

Queen’s Park Rangers, Burnley & Leicester City ayaana kasoo dalacay heerka labaad.

Hadaba Siduu Noqon Doonaa Tartanka Horyaalka?

Difaacdyaasha horyaalka Manchester City waa diyaar, Jose Mourinho oo doonaya inuu awood ku qabsado Premier League ayaa is xoojinaya, Man United oo sharafteedii iney soo celiso diyaar u ah ayaa is dhiseysa, Wenger oo doonaya inuu ka baxo abaarta koob la’aan ee Horyaalka ayaa dib u dhis sameynaya xili Liverpool ay halkeeda kasii wadeyso dadaalkeda ay Gerrard ugu taagereyso inuu ku guuleeysto Horyaalka markii ugu horeysay.

MANCHESTER CITY:

Wiilasha Macalin Manuel Pellegrini ayaa u diyaargaroobaya iney difaacdaan tartanka inkasstoo ay horay ugu fashilmeen hadana dadaal dheerad ah ayey muujinayaan.

Inkastoo UEFA ay saartay ganaax yareynaya qarashka ay suuqa ku gali karto hadana Pellegrini ayaa doorbidaya in kooxda la keeno labada xidig ee reer Porto (Mangala & Fernando) kuwaas oo wax weyn u tari kara kooxda, sidoo kalana warar ay qoreen goor hore wargeysyada ingiriiska ayaa tilmaamaya in Sagna uu ku biiray Man City.

LIVERPOOL:

Inkastoo uu xili ciyaareedkaan ahaa kii ugu dhawaa ee horyaalka ay ku guuleysan kareen, hadana wiilasha Rodgers ayaan ka quusan doonin taageerada Gerrard ay kula doonayaan koobkiisii ugu horeeyay ee Premier League ah ebid, waana koobka kaliya oo uu ka aradan yahay.

Kaalinta labaad ayey ku dhameysteen horyaalka, Rodgers ayaana diyaarinaya xidigo badan oo uu ku dagaal galo xiliga soo aadan inakstoo ay cabsi ka qabaan iney gacmaha Madrid ku wayaan Luis Suarez oo ah hogaamiyahooda.

Daniel Agger ayaa loo maleynayaa inuu ka tago inkastoo aysan jirin xidig haatan ay dhameystirtay heshiiskiisa.

Liverpool ayaa suuqa ku jirta iyadoo dooneysa iney Anfield keento: Javi Martinez, Emry Can, Adam Lallana, Ashley Cole, Xherdan Shaqiri iyo xidigo kale.

CHELSEA:

Wuxuu ahaa Xili Ciyaareed u xun Jamaahiirta Blues kuwaas oo maanka ku hayay in soo laabashada Mourinho ay u hogaamin karto horyaalka ku guuleysigiisa balse wey qanceen iyadoo kooxda aysan wax koob ah qaadin xili ciyaareedkaan.

Ashley Cole, Lampard & Samuel Eto’o oo ah magacyo waaweyn ayaa si xor ah kaga tagay kooxda inkastoo aysan wali lasoo saxiixan xidig balse waxey rajo ka qabtaa: Varane, Mangala, Costa iyo Courtios oo dib ugu soo laabanaya kaas oo amaah ka imaanaya.

ARSENAL:

Waxey ku dhameysteen booska ugu dambeeya Champions League inkastoo ay qeybta hore ee horyaalka hogaanka ku dhameysteen hadana dhulka ayaa la dhigay markii ay hareeyeen dhaawacyo fara badan.

Kooxda waxaa kaga tagay Sagna oo ku biiray Man City, sidoo kalana Bendtner ayaa si xor ah ku baxay.

Magacyo waaweyn ayey ku raad joogta: Benzema, Fabregas, Khedira, Mandzukic, Uchida, Bender, Draxler, Javi Martinez & xidigo kale xili wenger farta laga saaray lacag dhan 100 Malyan oo uu kooxda ku dhiso si ay uga baxdo abaarta koob la’aan ee horyaalka ka heysata madama ay kooxda ka baxday abaartii Koob la’aan ee guud.

MANCHESTER UNITED:

Gabi ahaanba wey fashilantay xiligii lasoo dhaafay kaalinta 7-aad ayey ku dhameysatay mana ka qeyb gali doonto tartamada yurub balse sida la sadaliyay waxaa la filayaa iney wax uun ka tarto horyaalka soo aadan madama Tababare Louis Van Gaal loo magacabay xilka kooxda United.

Rio Ferdinand, Nemanja Vidic iyo Giggs ayaa isaga tagay kooxda walow Giggs laga dhigay caawiyaha tababare Van Gaal, waxase xili ciyaareedka soo aadan uu Van Gaal sameyn doonaa saxiixyo waaweyn oo laga xusi karo: Luke Shaw, Hummels, Gray, Rues, Kroos, Muller, Robben, Bastian Schweinistiger & xidigo kale.

Hadaba koox walba waxey sameyn doontaa dadaal dheeri ah, inkastoo xifaaltanka horyaalka uu sanadkaan cuslaan doono madama koox daciif ah aysan jirin ka hor bilawga horyaalka, Man United ayaana dhibaato ku dhacday xiligii lasoo dhaafay balse haatan kalsooni ayey ku qabaan Van Gaal.

Dabcan wuu ka duwan yahay horyaalada Italy, Spain iyo Germany kuwaas oo ay ku xifaaltamaan ugu badnaan sadex kooxod ama labo, balse England waxaa ku tartami doona shan macalin oo aduunka laga qiimeeyo.

Rodgers, Pellegrini, Mourinho, Van Gaal & Wenger!!! Hadaba Maxaad Is leedahay wey dhici karaan xiliga soo aadan?

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


9 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Hordhac: Siduu Noqon Doonaa Tartanka Horyaalka Ingiriiska Xili Ciyaareedka Soo Aadan

  1. XUDEYFa SYL Reply

    May 26, 2014 at 12:11 PM

    Sln sre bahda hiil kubad lkn waxn layaby qoralkan waayo koxaha city chlsea arsenl an untd wad shgten xdgaha ay donanaayan lkn livrpol xidaha ay u dhowyhn ama ay lso waregi rbaan ma adan shgn klya suarez ayad dhahden in u baxo lga yabaa taas o an hubo in ay san dhici donin wana hubal super suarez wu joga @ wan ka xumahy in aadan so qadanin. Xdha ay reds u dhowyhn sida adam lala emre can xdaha ay rbto reds sida xavi mrtinz pedro remi. Cole lama so kobi kro xdgaha y reds ay donayaan thnks vivaa famly of YNWA

    • Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO" Reply

      May 26, 2014 at 12:20 PM

      Xudeyfa SYL: sxbka Hiilkubad waad ku mahadsan tahay meesha aad taabatay waana arin muhiim ah, balse waa qalad aan laheyn waana saxnay mana ahan in LVPOL ay noga duwan tahay koxaha kale lkn hilman baa jira,,,,

  2. c kariim Qalinle Reply

    May 26, 2014 at 12:14 PM

    Waa maqaal aad uqurux badan season-ka xigaa waa sii adkaan doonaa lkn Liverpool ayaan urajaynayaa in aay ka arad tirto captainG abaarta xaga premier league-ah viva you will never walk alone

  3. xuseen alii Reply

    May 26, 2014 at 12:33 PM

    asc bahda hiilkubad waad ku mahad san tihiin sida wacan aad noogu soo gudbisaan arimaha ciyaaraha
    hadaan ka hadlo fikirkayga wax wayn ayaa iska badalidoono horyaalka sanada cusub waxaan rajaynayaa in ay man united qaadayso

  4. mm qanciye Reply

    May 26, 2014 at 12:38 PM

    bahda hiilkubad salaama

    hadaan fikirkayga sookoobo wax sidaas ah iskama badalidoonaan waxaan sadaan labaysan doonda man city

    oo sidaan ka sii xooh badan

    bybybyby hiilkubad

  5. c/kaafi cali Reply

    May 26, 2014 at 12:50 PM

    waaw waa warbixin wanaagsan wax yaabo badan ayaa isbadali doono xagaagan hadaanahay bahda reer blues ka kumaba sii jirno sanadkaan waan ka yaabin doon naa kooxaha kale ee nagula tartamayo hanashada horyaalka

    hiilkubad mahadsanid by

  6. Ahmed nuur Reply

    May 26, 2014 at 1:01 PM

    Aad iyo aad ayad ugu mahad santihin hiilkubad sida wacan oo aad nola socot siisen waxana filayaa inuu dab isku badalo horyaalka engiriska waxana jeclaan lahaa inay kooxdayda chelsea kugulaysato wsc

  7. XUDEYFa SYL Reply

    May 26, 2014 at 1:26 PM

    Thnks in bdn bahda hiilkubad shaqada wcn aad ino hysan vivaa fmly of YNWA

  8. Safidinho Reply

    May 26, 2014 at 3:33 PM

    Insha.allah sanadka danba waxan rajeyna in the Gunnerska ay ku Guuleysata Horyaalka

    wadna ku mahadsan tihín Sida wanagsan ee aad noola socodsiiseen Maqaalkan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close